tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Muqdisho: Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Oo billaabatay

img_1013

Muqdisho (RBC Radio) Waxaa si rasmi ah goor dhaweyd uga billaabatay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Faderaalka.

Xildhibaannadii ugu horreeyay ayaa codkooda dhibtay,Waxaana ku sugan xarunta golaha shacabka 248 xildhibaan,sida uu sheegay guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee baarlamaanka.

Musharixiinta ugu cad cad doorashada ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed  Xidig, Cabdifitaax Geeseey iyo Idriis Axmed.

Jawaari iyo Geeseey midkood haddu guuleysto Oo doorashada socota ku soo baxo,waxaa isaga haraya musharraxnimada xilka madaxweynaha,madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Laakin haddii ay dhacdo Inuu soo baxo,Cabdirashiid Xiddig waxaa doorashada madaxweynaha ka haraya musharrixiin badan Oo ay ka midyihiin,Cumar Cabdirashiid,Farmaajo,Faroole,Cali Xaaji,Ceelmooge,Cabdiweli Sheekh Iyo musharixiin kale,sababtu waxaa ay tahay maaddama ay isku beelyihiin.

Doorashada socota ayaa aad indhaha loogu haya,Waxaa kalo aad loo adkeeyay ammaanka caasimada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha wararka doorashada Raxanreeb kala soco

____

RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *