tawakal expressgolis logo



Qiimaha sarifka doollarka oo halkii ugu sarreeysay gaaray Puntland iyo isku soo baxyo cabasho ah oo ka dhacay Garoowe

lacag_been_abuurGaroowe (RBC Radio) Puntland muddo ka badan siddeed sanno waxaa halkii ugu sarreeyay gaaray qiimaha sarifka doollarka,sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ganacsatada sarifka lacagaha qalaad.

Qiimaha halka doollar suuqyadda magaalada caasimadda ah ee Garoowe,wuxuu maanta gaaray 28,000 oo shilin Soomaali ah,walina qiimo inta la’eg ma gaari sarifka doollarka dhowrkii sanno ee ugu dambeysay.

Horay halka doollar waxaa loogu sarifi jiray 22,000 oo shilin illaa 24,000,banaan-bax cabasho oo ay ka qayb-galeen shacabka ayaa ka dhacay Garoowe.

Bulshada waxaa ay dalbanayeen dowladda inay wax ka qabato saru-kaca ku yimid sarifka oo saameeyay maceeshada qutul daruuriga ah oo iyaduna kor u kacday.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dadka isku soo baxay la hadlay ayaa u sheegay bulshada in baarlamaanka ay kula xisaabtami doonan xukuumadda oo si dhaqso ah wax loogu qabanayo.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa dhankiisa ballan-qaaday in wax laga qaban doono suru-kaca maceesha ku yimid iyo qiimaha doollarka oo halkii ugu sarreeyay gaaray.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *