tawakal expressgolis logo



Socdaalkii Degaanadii Roobabka ee Wariye Faaduma Yaasiin Jaamac iyo Deeqdii ay gaarsiisay(Warbixin+Sawirro)

16002793_596207727250834_1089159988438077727_nBooqashadeydii Deegaamada ay u hayaameen reer guuraaga ay abaaraha saameeyeen iyo wixii aan ku soo arkay.

Iyadoo ay abaar baaxadleh ka dhacday dhulka soomaaliya ayaa waxaa Roobab lagu diirsaday ka daa’een dhulka soomlidu ay degto qaar ka mid ah inkastoo roobka xooga badani uu ka da’ay gobolda Punland qaar ka mid ah taasoo sabatay in ay u soo hayaamaan dadyoow soomliyeed farabadan kuwaasoo gadiidka xamuulka qaadaa ay haben iyo maalin ku soo qulqolayaan inta u dhexaysa Gobolada bari iyo Karkaar sida degmooyinka Iskushuban iyo Bayla.

Dooxada Noobir iyo tooolooyinka cirifka ku hayaa gobolka Bari ayaa culayska ugu farabadani ka jiraa degsiimooyin farabadan oo isugu jira dadka Deegaanka iyo kuwo u soo naqraacay oo ka yimid Gobolada Soomaliya, sida Puntland, Somaliland iyo Kilalka 5aad ee Soomaalida.

Waxaana jira caqabado dhinaca nolosha ah oo dadkaas soo wajahay oo ay u horayso biyo la,aan maadaama dhulka ay degeen ay ku yaryihiin ceelbiyoodyada, waxaa kaloo jira nadaafad daro ay sabatay dhimashada Xoolaha oo xerada iyo gaadiidkaa dushiisa ku dhinta caato iyo tabardaro darteed, dadka qaarkiis ma haystaan Cunto iyo hooy ay kaga gabadaan Qoraxda roobka iyo Dhaxanta.
W

Waxaan Booqatay Deegaanka ay xaaladaasi ka jirto 500 boqol oo qoys oo isugu jira dadka degaanka iyo kuwa gobalada kale ee soomliya waxay gaarsiisay raashin ka kooban sonkor, bur, bariis, saliid. buskut, iyo Doors he. mucaawinadas oo ay ku deeqeen ganacasato iyo aqoonyahano ku sugan Wadamad carabta sida Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo magaalad Boosaaso.

Dadka abaartu saameysay ayaa ii sheegay in mucaawinadani ay soo gaartay xili ay u baahnaayeen, waxana si aada ugu mahadceliyeen shakhsiyaadkii deeqdaan iisoo wasii shay.

Inkasta oo reer guuraaga isu tegay dhulka roobku ka da’ay ay heleen deegaan naq leh roobna ka da’ay ayaa cufnaanta degsiimada oo sii kordheysaa ay sababaysaa in biyha keydka ag ee Waraha iyo berkaduhu ay dhaqso u dhamaato, waxaa kaloo dhulka ka jira dulinka Kaneecada oo keeni kara xanuunada Duumada, hoyga, cuntada, daawada intaba waa looga baahan yahay degsiimooyinka ay ku soo ururayaan dadka xoola dhaqatada ahi, sidaas darteed, akhristow, marka aad daawatid masawirada, ama aad akhriso qormadan ma dareemeysaa xanuun dareenkaagu kuu sheegayo in kaalmo aad dadkaas gaarsiisaa ay badbaadineyso walaalkaa duruufaysan.

Ka Qayb qaado gurmadka abaaraha, deeq Alle ayaa bixiya, ee isku day in aad kaalmeyso hal qoys ama in ka badan.
Mahadsanidiin.

15894447_596207790584161_3090139504731300429_n 15894428_596207427250864_1692284581062484678_n 15873407_596207773917496_5126516390651181676_n 15894931_596207547250852_1432861890829733822_n 15894804_596208410584099_936184456402315592_n 15894498_596208167250790_608014047794484286_n 15894496_596208133917460_663466385846478062_n 15941038_596208383917435_2600827989153971095_n 15941033_596207883917485_2858827008525857850_n 15940995_596207707250836_4755981362426630655_n 15895039_596208200584120_2066494790473046539_n 16002860_596208313917442_8024684414905315350_n 15977020_596208353917438_6131143186269271903_n 15966313_596207823917491_7830821554081887341_n 15965315_596207697250837_5300320660758659282_n-1

Warbixinta Faaduma Yaasiin Jaamac.

Daabacid: Raxanreeb Online



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *