tawakal expressgolis logo



Taariikhda nolasha guddoomiyaha guuleystay ee Baarlamaanka Faderaalka

_93357460_baaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta mar kale loogu doortay xilkaasi doorasho ka dhacday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, sida uu ku dhawaaqay guddoonka ku meel-gaarka ah ee baarlamaanka Cusmaan Boqore.

290 xildhibaan ayaa codeysay wuxuuna Jawaari helay 141 cod, taasoo ka dhigan inaan loo baahaan wareeg labaad maadama uu helay seddax meelood laba meel codadkii la dhiibtay.

Jawaari isagoo jira 72 sanno ayuu mar kale xilkan qabanaaya,wuxuuna 7-dii bishii December ee sanadkii 1945 -tii ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayuu sanadkii 1982 ka qalan-jabiyay kulliyadda Qaanuunka isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Dhinaca shaqada,waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Waxa uu sanadkii 1970 -kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Soomaaliya, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda.

Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Soomaaliya waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Soomaaliya uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Soomaaliya, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008 -dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010 -kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya iyo waliba hay’adda UNDP.

Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dasturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.

Wuxuu noqonaya guddoomiyihii labo mar loo doorto baarlamaanka,waliba doorasho dalka ka dhacday,maaddama afartii sanno ee hore uu xilkan haya.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *