tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Mudug oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

15942261_1607829649233974_2005374930_n

Gaalkacyo (RBC Radio) Munaasabad ka dhacday xarunta taliska qaybta booliska gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xilka kula wareegay taliyaha dhawaan loo soo magacaabay qaybta booliska gobolka Mudug.

Taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Mudug,Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay taliyaha cusub ee qaybta gobolka,Cismaan Xasan Cuuke oo ku magac-dheer Afdalow.

Waxaa goob-joog u ahaa xil wareejinta saraakiil ka tirsan booliska gobolka Mudug iyo guddoomiyaha gobolka Mudug.

Taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Mudug,Afdalow oo hadal jeediyay wuxuu sheegay inuu ka doonayo bulshada gobolka wada-shaqeyn ay layeeshan ciidamada booliska.

Cismaan Afdalow

Cismaan Afdalow

Sidoo kale,taliyaha hore ee qaybta booliska,Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa maanta isna la wareegay xilka taliye ku-xigeenka qaybta ahna taliyaha waaxda saraakiisha booliska gobolka Mudug.

Xil ka qaadista iyo magacaabista waxaa toddobadkii hore sameeyay taliyaha ciidamada booliska Puntland,Cabdiqaadir Shire Faarax wareegto.

1 2 3 4 5

1 3
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *