tawakal expressgolis logo



Taliyaha cusub ee qaybta gobolka Mudug oo xilka la wareegaya

Cismaan Afdalow

Cismaan Afdalow

Gaalkacyo (RBC Radio) Taliyaha dhawaan loo magacaabay qaybta booliska gobolka Mudug,Cismaan Xasan Cuuke oo ku magac-dheer Afdalow ayaa maanta la wareegaya xilka,sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan booliska.

Munaasabad ka dhacaysa xarunta qaybta booliska ee ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa lugu wadaa inuu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Mudug.

Waxaa xilkan wareejinaya taliyihii muddada kooban soo hayay ee Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame.

Taliyihii hore ee qaybta ayaa isna maanta noqonaya taliyaha hoggaanka booliska gobolka Mudug.

Toddobadkii hore ayaa taliyaha ciidamada booliska Puntland,Cabdiqaadir Shire Faarax wareegto ka soo baxday xilka looga qaaday taliyaha qaybta booliska,waxaana marka la magacaabay taliye cusub.
_
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *