tawakal expressgolis logo



Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee Puntland oo is-casilay (Dhagayso)

Cabdirixmaan Dujaana

Cabdirixmaan Dujaana

Garoowe (RBC Radio) Wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland,Cabdirixmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay,kaddib shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garoowe.

Wuxuu ku sheegay wax-yaabaha uu isku casilay arrimo shaqsi ah iyo culeys dhanka beeshiisa,isagoo marka sheegay in beeshiisu ay cabasho ka muujisay wax-qaybsiga xildhibaannada labada Aqal ee dhawaan lugu doortay magaalada Garoowe.

“Halkan waxaan maanta ka sheegaya inan iska casilay xilka aan u hayay dowladda,sababo shaqsi ah,'”ayuu yiri Dujaana oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe.

Wasiir ku-xigeenka xilka iska casilay,wuxuu u mahadceliyay dowladda Puntland isagoo marka sheegay inuu ku faraxsan-yahay muddada uu soo shaqeynayay.

Waxaa kalo uu wasiirku sheegay inuu kasii shaqayn doono horumarka Puntland isagoona shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo midnimadooda.

Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee Dujaana



__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *