tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Yaa la bedelaa, Yaase bedelaya? W/Q Imam Hassan Jaamici

Yaa la bedelaa, Yaase bedelaya?
Imam Hassan Jaamici
xasanjaamici@gmail.com
January 4, 2017

 

Imam Hassan Jaamici

Imam Hassan Jaamici

أعوذ بالله من الشيطان الرجيم: إِنَّ اللَّهَ لا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ

Su’aalo qof weliba oo Soomaali ah ku wareersan oo ah Yaa la bedelaa, Yaase bedelaya?

Waxaan marar badan xusay inuu Ilaahey aayaddaasi ku sheegay inuu Ilaahey uusan bedeleynin ummad xaaladda ay ku jiraan (xaalad dulmi, faqri, dullinimo, munaafaqnimo (wajiyo badne), qabyaalad iyo eex, musuq maasuq, jahawareer siyaasadeed, amni daro, gumeysi ama adoonsi dadban, jaceyl kursi) Ilaa ay iyaga doonaan inay isbedel sameeyaan.

Sidaa darteeda isbedelka dhanka wanaaga waxaa aasaas u ah 7 qodob:

1- Rabitaan iyo u diyaargarow ( willingness and readiness) inuu isbedel dhaco

2- Rumayn ( belief ) ama qofka inuu rumeysan yahay inuu isbedel dhaco inay lama huraan tahay

3- Dhaqdhaqaaq ( action) nidaamsan ( organized) oo aad u qorsheysan ( well planned) in la helo inay lama huraan tahay

4- Dad rumeysan ( group of people who believe the change) isbedelka oo diyaar u ah inay waqti, naf, maal u huraan inuu isbedelkaasi dhaco intay doonto waqti ah ha ku qaadato.

5- Isku xirnaan ( strong network and cooperation) iyo wadashaqeyn xoog badan oo joogta ah ee u dhaxeeye inta
isbedel doonka ah

6- Daacadnimo ama Ikhlaas ( inay xubnaha isbedel doonka ay Ilaahey ku raali geliyaan howshaasi oo ujeedo gaar ah  ayan ka laheyn)

7- Xamaas joogta ah oo noqonayo matoorka kaxeynayo gaariga isbedelka doonka.

Si ay u guuleystaan isbedel doonka waa inay iska ilaaliyaan 7 nooc oo dadka ka mid ah:

1- Danaystayaal ( oo dan gaar ah ama tan qabiilkooda ama laftiisa u taagan oon dan guud aqoon)

2- Munaafiqiin ( wejiyo badan oo marba shaati cusub soo xirta sida waagii maxaakimta cimaamad ayuu watay, ka dibna nabad doon ayuu sheegtay, ka dibna siyaasi ciddiisa u taagan umana kala soocna beenta iyo runta)

3- Mabda’ laawe ( waa ruux aan laheyn meel loogu soo hagaago waa sal laawe hadba dabeysha meeshey u kaxeyso ayaa jiho u ah si sahlan ayaa loo gadan karaa. Isagoo dhan waa hal marduuf oo khaat ah)

4- Shaki badne ( Ruux shaki badan oo aan laysku haleyn karin. Wuxuu ka shakisan yahay in la gaari karo hadafka fog oo qaaliga ah, kaasoo ah in shacabka masaakiinta loo hiiliyo)

5- Doqon ( Waa kan daciifka ah ee caqliga yar oo aan meel fog wax ka fiirin )

6- Fulay ( waa kan cabsida badan oo cadawga urkiisa ka carara isagoon weli arkin)

7- Bakhiil ( waa midka bakheyla lacagta, waqtiga iyo xoogiisa oon jecleyn inuu huro wax qaali ah si loo gaaro hadaf qaali ah)

Sidaa darteeda haddii Soomaali weyn ay daacad ka tahay inay isbedel doonayaan waa inay ogaadaan ruuxa ama hogaanka ama xubnaha marxalad ahaan ku haboon inay mas’uuliyad guud u xambaaraan shacabka tiihayey muddo aad u dheer oo ayan qaadin caatifad qabiil, qof jacleysi iyo daneystinimo.

One Response to Yaa la bedelaa, Yaase bedelaya? W/Q Imam Hassan Jaamici

  1. Maxammad cali

    January 4, 2017 at 5:59 am

    Maashaa Allah. Imaan Xassan Jaamici Allaha ku barakeeyo. Aadbaan kuu jecelnahay Alle dartii. Dadka kula midkaa Alle hanoo badiyo si aan dhibka uga baxno.

    W w wbr.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *