tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Afka Hooyo Hodansanaa Hiiladiisuna Habacsanaa!!!! W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Guure

Afka Hooyo Hodansanaa Hiiladiisuna Habacsanaa!!!!
Cabdiraxmaan Maxamed Guure
abdelrahmangure@gmail.com
February 24, 2017

 

Qoraaga maqaalka,Cabdiraxmaan Maxamed Guure

Qoraaga maqaalka,Cabdiraxmaan Maxamed Guure

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo tiro beel ah, iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

Inta aynu ku gudo jirno qormadaan waxaan jeclahay inaan idiin kusoo gudbiyo macluumaad badan oo ku saabsan afka Soomaaliga.waxaanan xooga ku saari doona asal doorsoonka ku yimid afka iyo natiijada ka dhalan karta dhaqdhaqaaqyada asal guurka afeed ee haatan unkamaya.

Hor-dhac guud

Afka Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ku bohoobay afafka kushitiga ee dhul hoosaadka bari (Low land east Cushitic), waa mid ka mid ah afafka kushitiga, waxana afka soomaaligu uu beel wadaag la yahay afafka Afrika-Aasiya( Afro-asiatic ).

Waa afka ugu xog kaydiska badan afafka la haybta ah ee kushitiga, waana afka labaad ee dadka ugu badan ay ku hadlaan afafka kushitiga marka laga yimaado afka Oromada.

Afka Soomaaliga waxaa ku hadla dad tiro badan oo ku kala nool wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti. Afka Soomaaligu waa luuqada sharciga ah ee dalka Soomaaliya sida ku xusan dastuurka jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya qodobka 5aad (2012) iyo qodobka 3aad fiqradiisa 2aad ee dastuurkii 1979.

Inkasta oo afka Soomaaliga la qoray 1972 hadana dawladii dalka ka jirtay waxa ay xooga saaraysay in afka Soomaaligu uu ahaado luuqad dalka oo dhan ka wada hir gasha, waxaa la unkay 1973 ololihii BAR ama BARO oo isugu jiray ololihii barashada qorista iyo akhriska ee inta badan ka socday magaalooyinka iyo ololihii hormarinta reer miyiga oo ka socday baadiyaha maadaama dadka soomaalidu intooda badan ay xoolo dhqato yihiin.

Intaas ka dib waxaa socday hor u socod iyo amba-qaad uu samaynayo afka dhawaan qorka ah ee Soomaaliga, waxaana wargayskii kusoo bixi jiray afka talyaaniga ee lagu magacaabi jiray Stella d’Ottobre lagu badalay wargayskii xidigta oktoobar oo noqday wargays kusoo baxa afka Soomaaliga, waxaa suurto gashay in cilmi badan lagu qoro afkan ilaa ugu danbayn la suurto galiyey in luuqada wax lagu baranayo dugsiga hoose ilaa sare ay noqoto Soomaaliga.

Ka dib burburkii dawladii dhexe ee qaranka Soomaaliyeed waxaan xaqiiqdii la iska indho tiri Karin gaabiska ku yimid hormarinta luuqada iyo weerarka afafka kale iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada kuwas oo suurta galin kara dabar go’ afka suuban ee soomaaliga.

Asal guurka Afka( Dabar go’ afeed)
Inkasta oo 2013 afka Soomaaligu uu kasoo muuqday luuqadaha uu tarjumo googluhu ee ku taxan degelka (translate.Google.com) hadana waa muhiim in la xuso in uu qayb ka yahay luuqadaha la odorosay in ay asal guuri doonaan 100ka sano ee soo aadan.
Bare afeed oo ka tirsan jaamcada Colombia University ayaa sheegay in 2115 lagu hadli doono 600 oo luuqadood iyada oo tirada afafka hada lagu hadlaa gaarayaan 6,000 oo luuqadood, Dr. John Mcwhorter waxaa uu tan ku sababeeyey waalidiinta oo aan inta badan xooga ku saarin ilmahooda in ay bartaan afkooda hooyo, socdaalka dadka ayaa doorway ka ciyaaraya sida uu ku dooday barahaani.
Haddii aan dib u jaleecno dhibaatooyinkan kor ku xusan waxaa xaqiiq ah in kuwan iyo kuwo kale oo badan uu afka soomaaligu u ban dhigan yahay, haddii aan taxo sababaha aan isleeyahy waxa ay door wayn ka ciyaarayaan asal guurka afka waxaa ka mid ah:
1- Waalidiinta oo aan ilmahooda ku ababinayn barashada afka hooyo.

Haddii an ku raaco Dr John arintan waxaad mooda in afka soomaaliga ay aad u saamaynayso, bulshada soomaaliyeed ayaan xoog badan saarin in ilmuhu afka soomaaliga si buuxda u barto marka laga tago barashada qorista iyo akhrinta afka, bulshooyinka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa iyaguna door wayn ka ciyaaraya arintaan maadaama inta baddan aysan ilamahooda fursad u helin barasha afka sababo la xiriira deegaanka, waaliidka , bulshada ay ku dhex nool yihiin iyo ilmaha laftiisa.

2- Manhajka wax barashada dalku xoog wayn ma saaro barashada afka soomaaliga.

3- Dadka ku hadla afafka kala duwan ma adkeeyaan afka soomaaliga.

Dadka ku hadla afafka kale sida English carabi ama faransiisku inta badan waxa ay ku adkystaan isticmaalka luuqada casriga ah iyaga oo laabaya isticmaalka afka soomaaliga, haddii isticmaalku yaraadana waxa ay horbood u tahay dabar go’ afeed.

4- Xiriirka dunida.

Dunidu maanta waxa ay usii siqaysaa mid hal magaalo noqon rabta, qofkasta oo baahi u qaba waa in uu fahmaa dunida, waxa uuna ku fahmi karaa isaga oo adeegsanaya mid ka mid ah afafka dadka dunidu astaysteen in ay isku fahmaan taas oo si wayn u bari taaraysa in afaf badani ay meesha ka baxaan.

5- Ereyada afka ku soo biira.

Haddii ereyada afka kusoo biirayaa ay bataan waxa ay booska ka saarayaan kuwo asal ahaa oo uu afkaasi lahaa ogoow waa arin kale oo aad u caawinaysa asal guurka afkaas.

Guntii iyo gabo gabadii waxaan shaki saarnayn in haddii aad si wayn u dhuuxday qormadan afkeenu weecsamay, sidaas awgeed waxaad uga qayb qaadan kartaa adiga oo dhinaca ka istaaga muquuninta asal guurka afka hooyo kana qayb qaata si gaar ah iyo si guudba. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan garaad dheerta soomaaliyeed ee ku hawlan in ay u hiiliyaan afkooda hooyo, dhammaan abwaanada, qorayaasha, tabiyayaasha iyo cid kasta oo hawshan u taagan waxaan leeyahay hawl kama daalooyinow wali waa hogadii. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Xoosh Jaamac Faarax (Xoosh Docol Curdan) iyo Caasho Axmed Xuseen ( A’isha Geesdiir )

Wabilaahi towfiiq

Mahadsanidiin

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

Email:abdelrahmangure@gmail.com

Facebook: Cabdiraxman MW Guure LeexLeex
Twitter: Guure LeexLeex
Blog: Cabdiraxmaan-maxamed.blogspot.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *