tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Al-Shabaab oo 51 dagaalyahan looga dilay gobolka Galgaduud

AP_somalia_ml_140902_12x5_1600

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in howlgallo laga fuliyay gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka lugu dilay ku dhawaaqad 51 dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab.

Howlgalladan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa socday toddobaadyadii lasoo dhaafay,waxaana inta badan ay ciidamada weerarrada qaadayeen xilliyada habeenkii ah,sida u sheegay sarkaal u hadlayay.

Taliyaha Guutada xureynta Galgaduud,Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay howlgallada ay ciidamada fuliyeen inay ahayeen kuwo qorsheysan.

“Howlgallada dhowr mar oo is xiga ayaa la fuliyay,waxaana lugu dilay 51 maleeshiyo ah oo ka tirsan al-Shabaab,”ayuu yiri Jen Tareedisho oo inta ka daray “Howlgalladan habeenkii ayaa la fulin jiray,ciidamada dowladda askar aan badneyn ayaa ku dhimatay.”

Jeneraalka waxaa kalo uu sheegay inay sii socon doonan tan iyo inta laga saarayo al-Shabaab gobolka Galgaduud oo ay kaga suganyihiin deegaanno badan.

Ururka al-Shabaab ayaan wali ka hadlin howlgallada ay ciidamada dowladda fuliyeen,kuwaaso la sheegay in lugu dilay dagaalyahanno badan.

Waxaa lugu sheegay howlgalka ay ciidamada ka fuliyeen gobolka Galgaduud,midkii ugu ballaarna ee tan iyo sanadkan bilowga ah ay ciidamada ka fuliyaan gudaha dalka.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *