tawakal expressgolis logo



Cali Khaliif Galaydh oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ayaa rajo xumo ka muujiyay wada-hadallada uu kula jiro Soomaaliland (Sawirro)

1

Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Khaatumo,Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta diyaarad ku tagay magaalada Laascaanood ee xaruta gobolka Sool,halka oo lugu soo dhaweeyay.

Galaydh waxaa waheliyay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Khaatumo,waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood mas’uuliyiinta deegaanka iyo dad-weyne kale.

Madaxweynaha Khaatumo oo si kooban saxaafadda ula hadlay wuxuu sheegay in ay u socdeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha colaadeed ee ka jira gobolka Sool qaybo ka mid ah.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay wad-hadallada uu dalka Jabuuti kula soo qaatay maamulka Soomaaliland,hadalka uu ka sheegay wada-hadalka wuxuu ahaa mid rajo xumo ah,isagoo marka sheegay in wada-hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland uu qorshihiisu ahaa inay u wadahadlaan laba maamul, balse buu yidhi kama muuqato Soomaaliland, taasina in ay geedi socodka nabada ay ragaadinayso.

“Bilowga wada-hadalka wuxuu ahaa in loo wada-hadlo sida labo maamul,laakin taas kama muuqato Soomaaliland.”ayuu yiri Galaydh oo inta ku daray “Qorashaha Soomaaliland wuxuu ragaadin karaa nabadda.”

Inta kaddib madaxweynaha Khatuumo iyo mas’uuliyiintii la socotay waxaa ay markiiba u gudbeen magaaladda Widhwidh oo 100 Km dhanka galbeed uga beegan magaaladda Laascaanood.

Safarka uu maanta ku tagay magaalada Laascaanood,madaxweynaha Khaatumo waxaa uu ka dhigan-yahay 12 kaddib oo u tagayo xarunta gobolka Sool.

2 3 4 5 6 7 8 9 10
___
RBC Radio



One Response to Cali Khaliif Galaydh oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ayaa rajo xumo ka muujiyay wada-hadallada uu kula jiro Soomaaliland (Sawirro)

  1. Wiil- Cumar- Wacays

    February 16, 2017 at 6:42 pm

    Soo dhawoow Madaxweyne

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *