tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Ciidamo ku wajagna degmada Xarardheere oo dib usoo noqday

ciidamo-huwan-ah

Gaalkacyo (RBC Radio) Ciidamo huwan ah oo maalmihii dambe howlgallo ka waday koonfurta gobolka Mudug ayaa dib ugu soo noqday magaalada Gaalkacyo,sida laga soo xigtay dadka deegaanka iyo saaraakiil ciidanka ka tirsan.

Ciidamadan oo isagu jiray,milateriga Soomaaliya,kuwa Galmudug iyo askar ka sooctay Puntland ayaa maanta la sheegay inay ku soo noqdeen magaalada Gaalkacyo oo xarun ah gobolka Mudug.

Waxaa kalo ciidamadan gacan siinayay askar caddaan ah iyo diyaaraddo dagaal,waxaana ay deegaanno dhowr ah kula dagaallameen ururka al-Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah koonfurta gobolka Mudug.

Dadka deegaanka wararka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamadan oo maalmo ka hor dagaalo kula galay al-Shabaab duleedka deegaanka Camaara a haatan inay ku laabteen Gaalkacyo.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa Yuusuf salaad Maxamuud ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inuu istaagay duulaankii ciidamada ay ku gaari lahaayeen degmada Xarardheere,waxaa kalo uu caddeeyay ciidamada huwanta ah inay qayb ka ahaayeen ciidan ka socda Puntland.

Ilaa hadda lama oga sababaha uu howlgalka u istaagay iyo waxyaabaha keenay,xiriiro aan la sameynay saraakiisha milateriga Soomaaliya ee gobollada dhexe ayaa noo suragali waayay.

Ururka al-Shabaab ayaa gacanta ku haya muddo siddeed sanno ah degmada muhiimka ah ee Xarardheer oo ku taalla xeebta koonfureed ee gobolka Mudug.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *