tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

DHARAARIHII IS DHEELI-TIRAY ! W/Q Eng.Cabdiqaadir Caamir

DHARAARIHII IS DHEELI-TIRAY !
Eng.Cabdiqaadir Caamir
abdikadiraamir93@gmail.com
February 14, 2017

maqaal-32zou4ijq8l0iwtv7s3aiyMahad dhamaanteed waxay u sugnaatay eebe wayne, naxariis iyo nabad gelyana suubanihiisa ha ahaato.

Mahad kale oo balaaran waxaan u guntayaa shacabka soomaaliyeed ee rabitaankooda ugu deeqay madaxwaynaha ladoortay ee jamhuuriyadda federaalka ah ee soomaliya, sidoo kale mahad buuran waxaan huwinayaa golaha shacabka soomaliyeed oo sanadka u guntaday sidii ay soomaliya ugu doori lahaayeen shaqsi shacabka soomaliyeed ee mudada dheer dawladnimada dhabta ah baadigoobayay ay jecelyihiin.

Mahadcelin dabadeed waxaan jeclaystay qormadan inaan ku cabiro sideedii feebaraayo(2017) oo ahayd dharaartii dhawayd ee umadda soomaliyeed dheehdeen dhadhanka wadaniyadda iyo dhismaha dawladnimo suuban oo dhaxal u noqon doonta dhalaanka soomaliyeed. Waa dharaartii ay quluubta soomaliyeed ee qabyaaladu daxalaysay dhaymo loo helay , qarankii soomaliyeed ee la qayb-qaybshayna qorshe lagu badbaadiyo la isla qaatay. Waa qorshihii ay golaha shacabku ku gudoonsadeen inay qaranka u hiiliyaan, qofnimada soomaliyeed inay qiima u yeelaana qawlkoodu noqday.

Subaxnimadii sideeda febraayo ilaa laga gaarayay fiidnimadii waa maalinka yar iyo wayn, qurba-jooge iyo qaran-jooge, wadaad iyo waranle, shacab iyo siyaasi ay u kadaloobeen una kulaalayeen muraayadaha wararka tabiya si ay uga war dhawraan dhawaqa kasoo bixi doona gunaanadka doorashada ka soconaysay Xarunta Afisyooni ee Ciidamada Cirka. Maalinkani waxay ahayd maalin silsiladihii qabyaalada ee soomalida ku yuurursanaa ay iskood u kala daateen, waa maalinta aan markhaanti ka ahaa in aragti hogaamineed iyo karti waxqabad madaxweyne isku darsaday in la helo ay kamidaysnaayeen soomalidu. Dareenka wadaniyadeed hadii qalab lagu cabiro uu jiri lahaa maalinkan wuxuu sheegi lahaa in soomalida wadan jacayl buux dhaafshay. Inta haleeli kartay xiliyadda salaadaha waxay ducadda u laqimayeen in eebe uu u dooro hogaamiye dib usoo umaamadda dawladnimadii iyo karaamadii soomaliyeed. Waxaa dhacday sideedii febraayo doorasho lagu doortay madaxweynihii soomalidu u hamuun qabeen intooda badanina ku midaysnaayeen, ku dhawaaqidii natiijada doorashadu waxay yididiilo ku abuurtay quluubta soomalida waxayna shamac kusii holcisay dareenkii wadaniyadeed ee dhawaantan dib uga soo bidhaamayay soomalidda.

Dhawaqaa farxadda ku maasheeyay dhegaha soomaliyeed wuxuu ahaa dhawaaqii mudo nus qarni ah ee ugu cudoonaa ee ay maqlaan. Waxaa is qabsaday damaashaad iyo taageero ka qabsoomay guud ahaan geyiga soomalidu degto iyo goobo ka baxsan bogcadaha soomaliyeed balse ay ku dhaqanyihiin soomalidu, waxaa shacabka laga wada dheehday inay dhab ugu heelanyihiin dawladnimada iyo in macaanka ay dawladi leedahay boholyoow baaxad wayni u hayo.

Habeenkii dhawaqaasi soo yeeray iyo hilaadii 57sano kahor waa lix iyo labaatankii juune waxay noqdeen laba habeen oo is dheeli-tiray . Lix iyo labaatankii juun waa habeenkii beerta xoriyadda ee dhacda magaalada hargaysa ay soomalidu ku dabaal degaysay iyagoo saancadihii ingiriis kala wareegay madaxbanaanidoodii. Waa habeenkii uu lahaa cabdulahi suldaan tima-cadde ale ha janeeyee:

Ka’ sideetan Sabaano
Calankaanu sugaynay
een sahankiisa ahaynow
Sermawaydo hilaacdayoo
sagal maanta daroorayoo
siigadii naga maydhayoo
Saqdhaxaanu ahayne
kii soosaaray cadceedow
samada ki u eekaayee
Xidig-gam isa siiyayow
Saaxirkii Kala guuraye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana siib Kanna Saar.

sideedii febraayo waxay noqotay cadceed kale oo usoo iftiintay soomalida, waxay dib u unkeen qaranimadoodii iyo qiimihii ay ku lahaayeen aduunka.

Qaranimadan la umaamaday inaysan qiil-qiil mar danbe gelin ayaan qaadirkeena ka tuugin.

Eng.Cabdiqaadir Caamir

abdikadiraamir93@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *