tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Dowladda Burundi oo ciidamo dheerad ah usoo dirtay Soomaaliya

20172176362289521197620332017217636228904128737654Amisom-2

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo ka socda dalka Burundi ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana la sheegay ciidamadan inay qayb ka noqon doonan howlgalka AMISOM.

Dowladda Burundi,waxaa ay sheegtay ciidamadan cusub inay badal u noqon doonan qayb ka mid ah ciidamada horay u joogay Soomaaliya.

Waxaa lugu sheegay tirada ciidamada cusub ee ka socda dalka Burundi 952 askari,waxaana lugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Burundi ayaa ka mid ah dalalka ciidamada AMISOM ay kakala yimaadaan.

Toban sanno muddo gaaraysa ayuu ka socda Soomaaliya howlgalka AMISOM,waxaana wali dalka ka jira khatarta al-Shabaab oo geysata weerarro iyo dilal qorsheysan.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *