tawakal expressgolis logo



Dowladda Soomaaliya Oo Dacwad u Gudbinaysa Imaaradka Carabta

Nuur_Jimcaale_Faarax-620x330

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarinaysa cabasho ay u gudbiso dowladda Imaaradka Carabta,sida u sheegay hanti dhowraha qaranka.

Cabadashadan oo sharci ah,waxaa la sheegay inay la xiriirto saldhigga milateri ee dowladda Imaaradka ay ka dhisaneyso magaalada Berbera,kaddib heshiis ay la gaaren maamulka Soomaaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Soomaaliland inaysan ahayn dal ka madax banaan Soomaaliya oo la aqoonsan-yahay,sida daraadedna maamulka ka jira deegaannada usan awood u lahayn inuu dhul ka kireeyo Imaaradka Carabta.

“Dowladda waxaa ay cabasho u gudbineysa Imaaradka Carabta,taas oo quseysa dhulka ay ku xadgudbeyso,”ayuu yiri Hanti Dhowraha Soomaaliya Nuur Jimcaale oo saxaafadda la hadlay maalin ka hor.

Hanti dhowraha wuxuu sheegay Imaaradka Carabta inay u mareen kireynta dhulka hab laalush ah oo ay marka siiyeen mas’uuliyiin dowladda Faderaalka ah iyo Soomaaliland.

Waxaa la aaminsan-yahay Imaaradka Carabta inuu ka doonayo saldhigga laga dhisayo Berbera,sidii ay weerarro uga qaadi lahaayeen Xuutiyiinta Yemen,maaddama Imaaradka uu ka mid yahay xulafada ka dagaallanta Yemen ee Sacuudigu hoggaamiyo.
___
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *