tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Farmaajo IGA Gaarsiiya? W/Q Dr.Ilyas A. Hussein

Farmaajo IGA Gaarsiiya?
Dr.Ilyas A. Hussein
ilyascx@hotmail.com
February 21, 2017

Untitled

Dr.Ilyas A. Hussein

Dr.Ilyas A. Hussein

MIDAYNTA DALKA IYO DIB UHASHIISIIN QARAN

Mushkilada : kala qaybsanaan baahsan oo soowajahday dalka wixii ka danbeeyay downladii kacaanka ayadoo dalku u kala qaybsamay maamul goboleedyo , ururo diimeedyo iyo qabaailo isdiidan

Xalka aan soo jeedinayo

⦁ inaad wada hadal la furto ururada mucaaradka ah ama maamulada khilaafsan nidaamka dawladnimo marna aadan ka niyad dhigin isukeenka umada somaliyeed

⦁ inaad heshiisiiyo qabiilada ama maamulada isku haya Deegaanada iyo xuduudaha qaarkood

DHISIDA CIIDAN QARAN IYO HUBKA DHIGIS

Mushkilada : waxaan jirta amni daro aad ubaaxad wayn marka aadan kala aqoon kan ku dilaya iyo kan kunoolaynaya marka aadan gurigaaga nabad uga bixi Karin nabad ugusoo laaban Karin marka aadan gobolada dalka nabad ugu kala gooshi Karin illeen dhamaan dalka umadiisu sida bulshada raydikaa , nabad diidka iyo askarta waa lawada hubaysanyahay

Xalka aan soo jeedinayo

⦁ In marka koowaad ladhiso ciidan isku dhafan oo tayo iyo tiraba leh oo u dhamaystiranyahay agabkoodi dhamaan

⦁ In hubka dhigis lugu sameeyo shacabka somaliyeed meelkastoo aay dalka ka joogaan loona balanqaado amnigooda in lasugayo

⦁ In AMISON loosameeyo istaraatiijiyad ay ku baxaan

LADAGAALANKA MUSUQMAASAQA IYO QABYAALADA

Mushkilada : waxaa dowladihii hore hareeyay musuqmaasuq aad ubaaxadwayn , qabyaalad iyo ninjeclaysi haba jiraan dad dadaalayay oo ladagaalmayay musuq maasuqa ileen waxaa layiri dad iyo biyo kaabadanba wayku harqiyaane

Xalka aan soo jeedinayo

⦁ In lala dagaalamo qofwalboo musuqmaasuq wadah xilyar iyo mid wayn tuu doona hahayee sharcigana la horkeeno oo aan saas lugu daynin xisaabtan buuxa lala sameeyo

DIB UDHIS QARAN

Mushkilada : waxaa burburay dhamaan kaabayaashii dhaqalaha , daryeelkii bulshada sida caafimaadkii iyo waxbarashadii

Xalka aan soo jeedinayo

1) Inaa Dalka dib udhis buuxda ku sameeyso, dhanka kaabayaasha dhaqaalaha,caafimaadka ,waxbarashada iyo dhamaan waxayaaba hoos taga

FARAGALINTA SHISHEEYE

Mushkilada: waxaan ognahay inay dalal badan oo kala duwan oo kala watah agenda yaal iyo kaartooyin kala nooca ay ku loolamayan dalkeena, dalwalbana uu isticmaalyo oraahda ah (my policy first ) oo aanan nina kuu danqanaynin ,dantaadana tiisa kahormarinaynin

Xalka aan soo jeedinayo

⦁ Inaa soo celisid dalkana kudhaqtid oraahda ah (in country my policy first ) markaa heshiisyada calalamiga lagalaysid dalalka shisheeye

⦁ Inaadan u ogalaan dowladaha dariska ama kuwa fogfog inay fargalin siyaasadeed kusameeyaan dowlada ama ku dhex milmaan ba

⦁ In dowlad walba oo shisheeye waxwalboo ay dalka u samaynayaan ama kasamaynayaanba lasoomariyo dowlada dhexe

SHAQO ABUUR

Mushkilada: waxaaanu ogsoonahay inaysan shaqooyin tayo leh aysan jirin oo qofkii dalka wax ku bartay baagomuudo yahay kii dibada wax ku bartayna uusan kusoo laabanaynin dalkii shaqo la aan awgeed , waxaa kaloo jirta dadka inta aan waxbaran dhalinyarada inaysan haysan gooboh xirfado gacmeed ama muruqmaal oo laga shaqysto saas daraadeed ay ka doorbideen inay tahriibaan
Xalka aan soo jeedinayo

⦁ Inaa shaqo abuur buuxa usamaysid dhaqaatiirta , injineerada ,iyo inta bartay aqoonta kala duwan si uu dalku ugasoo kabto dhibaatadii kasaamaysay xagwalba bulshaduna u hesho adeeg buuxa

⦁ Inaa furtid gooboh lugu barto xirfadaha kala duwan iyo goobihii looga shaqaysan lahaa xirfadahaas si dadku iyo dalkuba ugu baxaan qaxootinimada , saboolka, dhalinyaraduna ujoojiso tahriibka

⦁ Inaa wax soo saarkii dalka dib usoo celisid sida warshadihii , kaluumaysigii ,beerihii ,dib utabcidii xoolihii dalku lahaa iyo kafaa iidaysashada wax yaaba dabiicigaa ee EEBE ku manaystay dalka

DIINTA IYO DARDAARAN

Marka hore inaa ALLE subxaana watacaalaa taqwadiisa iyo cabsidiisa mar walba ay kugu wayntahay oo ALLE dartiis dalka iyo dadkaba u cadaalad fashid si aad uga mid noqotid todabadii ALLE carshiga ubalanqaaday

MAHADSANID

Dr.Ilyas A. Hussein

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *