tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Faroole oo maamul gobaleedyada ku eedeeyey inay farogalin ku hayaan dowladda cusub(Dhegeyso)

8Y1A6319

Garowe-(RBC Radio)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maantay lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe oo caasimada dowladda Puntland kadib safar uu kaga yimid Muqdisho.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Canoco iyo gudaha magaalada isagoo la hadlay boqolaal kamid ah taageerayaashiisa kuwaasoo uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay isugu soo baxeen islamarkaana usoo dhaweeyeen.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa hoygiisa caasumadda Garowe saxaafadda uga waramay arrimo ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdishu isagoo xusay inuu isagu ka haray kadib markii farogalin baahsan uga timid dalka iyo dibadda doorashadii dalka ka socotay.

8Y1A6311

Cabdiraxmaan Faroole wuxuu kadigay in faro galin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxdii Madasha iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku fashilmay siyaasadda Somalia sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay in isaga iyo rag kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ka qayb galay doorashadii Somalia qorshaynayaan arrimo liddi ku ah xukuumadda hadda jirta ayuu xusay inaysan jirin warkaas oo uusan waxba ka ogayn.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo muqdisho uga soo qaybgalay doorashadii dalka ka dhacday ayaa haatan ku sugan Magaalada Garoowe waxaana dhawaan uu eedaymo kulul u jeediyey madaxda dowladda Puntland.

Hoos ka dhegeyso codka faroole.


Sawirro.

8Y1A6202 8Y1A6210 8Y1A6211 8Y1A6224 8Y1A6232 8Y1A6234 8Y1A6240 8Y1A6243 8Y1A6248 8Y1A6250 8Y1A6261 8Y1A6270 8Y1A6282 8Y1A6284 8Y1A6288 8Y1A6291 8Y1A6296 8Y1A6300 8Y1A6311 8Y1A6315 8Y1A6319 8Y1A6325 8Y1A6331 8Y1A6339 8Y1A6388 8Y1A6395 8Y1A6403 8Y1A6409 8Y1A6414 8Y1A6420 8Y1A6422 8Y1A6434 8Y1A6452 8Y1A6473

___

RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *