tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Hannaan Hiil u Bahan): W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

Hannaan Hiil u Bahan):
Cabdinuur Faarax Maxamuud
abdinuur02@gmail.com
February 17, 2017

unnamedUmmadda Soomaaliyeed waxaa looga bahan yahay inay u hiilyaan hannanka dawladnimo ee hiilka u bahan iyo tabantabinta madaxweynaha cusub ee ladoortay Maxamad Cabdulahi farmaajo), si looga baxo qalalasaha Qabyalada, iyo kala qoqobka, ummaddeenna kala qariyey.

Feembaraayo 08/2017,Barlamanka labada (Aqal) ee Soomaaliya ayaa cod aqalabiyad leh ku doortay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad cabdulahi oo looyaqaan (Farmaajo).

Soomaaliya waxay katimid waddo dheer oo dhiig, colaad iyo ismanaaf siyaasaddeed Hareyey Soomaalidu waxay gaareen xili ay kala saari wayeen saaxiibkooda iyo xaasidkooda.

Soomaaliya waxay soo martay xili tuula kasta tankale ay isku dayday inay ka durugto colaad iyo is fahan daro awgeed.

Soomaaliya waxay wajahday hannaan hiil u bahan, kasoo ah hannaan Dawladnimo.

Hannankaan wuxuu soo jiitamayey laga soo billaabo 2000}: hadba meel hasoo gaaro hana kala tabar yaraadee laakiin ugu dambayntii 2017, Soomaaliya waxay noqotay waddan leh Barlamaan shacabku soo doortay.

Barlamankii wuxuu doortay Madaxweyne cusub shacabkuna raali kayahay waxaana si sharaf iyo maamus leh kusoo dhaweyey Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud, isagoo Hambalyo iyo bogaadin ka jeediyey goobtii lagu loolamay. tani waa il baxnimo iyo hannaan dimuqraadiyadeed, oo hiil u bahan.

Haddaba Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo, waxaa aad iyo aad usoo dhaweyey ummadda Soomaaliyeed. waxaana soo baxday eray bixin cusub oo mid kamida mawaadiniinta Soomaaliyeed, uu ku qayliyey markii lagu dhawaaqay in Farmaajo guuleystay taasoo baraha bulshada aad ugu baahday waana (Aar Farmaajo ii geeya), wiilka eryadaas bixiyey waa 30, jir cimrigiisa kusoo qaatay dawlad la’aan waxaana la mida dhammaan inta la da’daa’

Haddaba Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga bahan yahay inay u hiilyaan hannanka dawladnimo ee hiilka u bahan iyo tabantabin dhab ah oo loo fidiyo Hoggaamiyaha ladoortay si looga baxo qalalasaha Qabyalada iyo kala qoqobka ummaddeenna kala qariyey.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed waajib ku ah inay ka tanasulaan dhammaan arrimihii Soomaaliya curyamiyey, kuwaso kala ah qabyalada nin jeclaysiga qabiilka oo si khaldan loo isticmaalo iyo Qaran dumisnimada, waana inay si Soomaalinimo ah u garab istagan Madaxweynaha cusub haddii aan la garab istaagin kaligi wax ma qaban karo ee ogow.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa looga bahan yahay qodobbadan,

Dadka Soomaaliyeed waxaa kala fogeyey siyaasi daneysta waxaa kala fogeyey siyaasi eex iyo kala qoqob ku can baxay.

Farmaajo waa inuu tallaabooyinkan ku hoggaamiyo Ummadda ee’ u heelan iska ilaalinta Hantida Qaranka, sinaanta iyo saraynta caddaalada xulashada shaqsiyaad ku habboon Dawladnimada Soomaaliya, tixgelinta cabashooyinka mawaadinka Soomaaliga. Daryeelka danyart ilaalinta midnimada Soomaaliyeed, ilaalinta waqtiga laguu igmaday hoggaaminta dalka. Iyo dhismaha Ciidan Qaran. iwm.

Beesha caalamka

Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo waa inuu si xeeladaysan ula jeen qaado siyaasadda mandaqada iyo mida Gobolka, Soomaaliya waxay Burbur sanayd ku dhawaad soddon sanno, intaas ummadda Soomaalida waxaa lug ku laha beesha caalamka xaqiiqdiina wax badan ayey beesha caalamku Soomaaliya u qabteen.

Marka waxaa madaxweynaha looga bahan yahay inuu Beesha caalamka ula dhaqmo si tixgalin leh, laakiin danta dalka diinta iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin mudnaanta koobaad.

Dhammaad

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *