tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Hoobiyayaal ku dhacay agagaarka madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho

hoobiye

Muqdisho (RBC Radio) Ilaa labo hoobiye ayaa xilli hore oo maanta ah ku dhacay meel ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho,sida u xaqiijiyay afhayeenka gobolka.

Ugu yaraan laba carruur ah ayaa ku dhintay hoobiyayaasha, ayada oo dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

“Meel ka fog madaxtooyada ayay ku dhaceen hoobiyayaasha,xaafad ayay ku dhaceen oo labo carruur ah ayaa ku dhintay,”ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir,Cabdifataax Cumar Xalane.

Xalane wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lugu ogaanayo halka laga soo tuuray hobiyayaasha ku soo dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

Hoobiyayaasha ayaa lasoo tuuray waxyar ka dib markii ay dhammaatay xafladdii ay xilka ku kala wareegeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab ayaa war ay baahisay ku sheegtay inay mas’uul ka yihiin madaaficda ku dhacday goob ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya,idaacadda afka ururka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay dagaal-yahanno al-Shabaab ah inay fuliyeen weerarka madaaficda ah.

Ammaanka iyo ka hortaga weerarrada ay fulinayaan al-Shabaab,waa qodobka ugu weyn ee ka hor imaanaya dowladda cusub oo u hoggaaminayo madaxweynaha taageerrada ka heysa shacabka.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *