tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Islaamiyiinta Soomaaliya & dhisidda Dowlad Madani ah . W/Q Mahdi Muse

Islaamiyiinta Soomaaliya & dhisidda Dowlad Madani ah
Mahdi Muse
mahdimuse@hotmail.com
February 21, 2017

maqaal-32zou4ijq8l0iwtv7s3aiyQeexid:

Ereyga Islaamiyiinta ma turxaan baxsana, mana ku niyad sami adeegsigiisa, waliba Dal & Dad Muslim ah, laakiin waa magac u yaal caan baxay, oo ku suntan dhaq-dhaqaaqyada diiniga ee ka soo hor jeeda mabaadida Caanka ka ah wadamada Reer galbeedka, sida Cilmaaniyada, Lebraliyada & Shuuciyada.

Dowladda madaniga waxay xariir la leedahay Fahamka wadaniyada ee Casrigan baahay. waxay ka dhaxeysaa umad ku kala duwan Dinta, dhaqanka, Caadaadka & Luqada. Waxayna u balan qaadeysaa wada noolaansho siman oo caddaalad ah. nasiib wanaaag Soomaalidu baahidaa ka mjirto, laakiin waxaa jira Fikrado kala duwan oo laga soo min-guuriyay wadamo ku kala duwan arimaha kor ku xusan.

Taarikhda Islaamiyiinta:

Dhaq-dhaqaaqa Islaamiyiinta Soomaaliya, waxaa laga bilaabi karaa horaanti Todobaatameeyadii. Intii ka horeysay Kacaankii Oktoobar 1969 ma jirin dareen Siyaaasi oo Magac islaami wata. fariintii Shiikh Nuur Cali Coloow, aasaaas ha u haato Dacwada Salifiyada ee soomaliya, haddana ma aheyn mid leh ficil Siyaasi oo Talaaabo qaad maaggan.

Maadada Tafsiirka ee Shiikh Maxamed Macalim, xad- gudubkii Kacaanka Oktoobar ee Xeerka Qoyska, labaduba waxaa la dhihi karaa waa Muuqaalka kala saaray Islaamka Siyaaasiga ee Soomaaliya & Dacwadii ay Culumadu horey u wadeen, ha ahaaadeen kuwa Salafiyada ee Xijaaz naga soo gaaray ama kuwa Azahar ee masar ka soo biyo cabay.

Taariikhda Soomaaliya, ma soo marin Dhaq-dhaqaaq xagga fikradda ah, Xisbiyadii Siyaasi & siyaasiintuba, waxey ahaayeen garab rarato maalinba meel u jeeda. tiro yar ayaa fikardaha cilmaaniyada & Shuuciyada ka soo qaatay Wadamadii ay waxbarashada u tageen (Yurubta & Midowga Sofiyeeti) ayaguna ma aheyn xisbi nidaamsan , oo leh diyaar gareyn qof, Bulsho & dowlad toona.

Islaamka Siyaasiga, waxuu noqday dhaq-dhaqaaq Siyaasi oo leh Mabda & Maamul dhisan kii u horeeyay Taraiikhda Soomaaliya. Waxuu kulansaday dhaqan aan soomaliya horey looga aqoon. waxuu ka gudbay xeyndaabki qabiil, oo ay Bulshada Soomali isku sooci jirtay. waxuuna ku baahay gudaha Bulshada Soomaali oo dhan, waliba asagoo magac diin wata. waxaa si siman u raacay Saraakiishii Ciidmada, Shaqalihii Dowladda, Dhalintii & Dumarki.

Hanaqaadka Islaamiyiinta:

Kacaanki Oktoobar Shuuciyada ka sokoow, waxuu dareen ka qaaday fal-galka Islaamiyiinta ee Bulshada, waxuuna is tusay in dhawaaqa Masjidka uu cariiri galin karo Bulsho BIladii Oreteeshinka lagu hayay. waxuu qaaday dagaal saf dheer ah. Xabsi, Musaafirin & Dil intuba wuu ku dayay xubnihii Islaamiyiinta ee markaa muquday, laaakin Mabda,a dartii & tarbiyada qofka oo adkeyd waxba ma saameyn fal-celintii uu Kacaanku u adgesaday in uu uga hor tago islaamiyiinta Soomaaliya.

Dhawaaqa Islaamiyiintu waa kululaa, waxuuna xoogga saaray qadiyada xaakimayada. waagaa waxaa hal-heysa ahaa, oo carabka islaamiyiinta ku badnaa Aayadaha Xaakimiyada ka hadla, kuwaa oo ku maldahan gaaleysiin Magaca Dowladda & waxii xariir la leh, xataa mararka qaar gaaleysiintu waa gaareysay shaqalaha Dowladda sida Boliska & Manashiibiyada suuqa kala hagta.

Banabaaxii Masjidka Shiikh Cali Suufi, ee ku sunatanaa 11-July-1989, waxuu ahaa mid sawiray Muqaalka awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya. waxuuna siiyay Dowladda dareen ah in Dagaalka soo socda uu noqonayo Masjidka & Madxtooyada, laakin Fal-celinta Dowladda markan wuu ka yaraa inti la filayay. Si taa ka duwan Islaamyiinta ayaa Talaabo dheeri qaaday. waxaa faafay Dhawaaqooda,sida in Dowladdu ay ogaal u leedahay, raalina ka tahay, sidoo kale waxaa billoowday aragtida jihaad doonka ah, oo ayana naga soo salaantay Afganistan. arimahan oo leh Fikradda Galeysiinta Dowladda, Iska caabinta & u diyaargaroowga qaadashada hubka, intuba waa talaabo ay Islaamiyintu uga qeyb qaateen Bur-burinta magacii Dowlad ee Soomaaliya.

Dhicitaanki Siyaad Bare26-Jan-1991 ma noqon jab gooni ku ah kacaanki Oktoobar. Waxuu calaamad u noqday bur-bur haleela Qarnimadi Soomaaliya, waxuuna laaalay damacii laga qabay in la helo Dowlad Madani ah oo dadka sinaaan & cadalaaad ku idleysa. Waxaa booski kaligi talisnimo buuxiyay, fowdo & Colaaad qabiil, oo aan cidna ku liibaanin.

Islaamiyiinta & Qaranimada Soomaaliya:

Islaamiyiintu door ha ku lahaadeeen kicintii Bulsahda, laaakiin uma u suuro galin in ay wajahaan xaaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, waxaa sii dheer in aysan la iman Mashruuuc siyaasi oo hadafkooda gaarsiin kara. taa badalkeeda waxaa ku yimid hooos u dhac saameeyay Jirtaankoodi mideysnaa. waxaa soo baxay ururo hubka qaaday oo ka farcmay Islaamiyiinta qaar, kuwaa oo hadaf ka dhigtay Dowlad Islaami ah, laakin awoood ku dhisan, taa oo ka fog isla tashi & wax isku darsi. waxaase laga dhaxlay guul daro reebtay damaaar Dad & Deegaan ah.

Garabyada Madaniga ee Islaamiyiinta,ma laheyn awoood ay Bulshada ku saameyn karaan, Masaajidda & Goobaha Tacliinta waa booska kaliya ee ay farintooda si fiican ugu guteen, laakiiin Macnaha Dowladnimo & Mashruuc Siyaaasi oo islaami ah waa ka fogaayeen, waxeyna Uga sugnaayeen xaalad faqri oo aysan garab u heysan, taa oo fasireysa in islaamiyiintu ay magac Dowlad Bulshada ugu yeereen, laaakin aysan akhrisan xaraf ka mid ah xarfaha dhigaya macnaha dowladnimo.

Kacdoonki Maxkamadaha Islaamiga, ha,ahaado mid shacbiyad leh, haddana waxaa lagu tilmaami karaa Aalad ay adeegsadeen Islaamiyiinta Soomaaliya, si ay u gaaraan Hadafkoodi dowladnimo.

Dhagarta dibada ka sokow Islamiyiintu way maareeyn waayeen Mu,asasada weyn ee Magaca Maxkamadaha ku kulmay. waxaana ka dhashay in ay si fududu u qeybsamaan, waxaa ka daran taa in ay gacanta u galeen Dowlado shisheeye oo mashruucoodi hantay, aygoo u arka Saaxiibbo & naasixiin shaqo wadaag la,ah, taa oo la dhihi karo waa ubucda xujada ah ee sugtay in islaamiyiinta Soomaaliya aysan u bisleyn mashruuuc dowladeed gaarsiisan heer caalamka lagula fal-galo
Garabkii Maxakamadaha ee Shiikh Shariif, waxaa u suuro galay in ay soo gudbiyaan mashruuc nabadeed, si ay qorshahooda ugu gaaraan, waxuu u muuqday mashruuc siyaasi oo dhaxal gal ah, laakiin kala duwanaanta afkaarta, Kalsooni yarida xubnaha garabka & dabeecada kaligii talisnimo ee Soomalida ku abuuran, intuba waxey u badashay mashruucii mid aan dan & dheef toona laheyn.
Shiikh Shariif waxuu noqday Madaxwxeynaha Soomaliya, xubno badan oo islaamiyiintana waxay buuxsheen Golihii fulinta & kii Sharci dajinta ee Dalka, haddana ma muuqan hal Mashruuc oo la dhihi karo waa isabdal ay ka sameeyeen magacii Dowlad & macnihii ay u dhigneyd, iskdaaye waxaa batay tuhmada ah in masuq-maausqu uu ku baahay golayaasha dowladda, waliba xafiisyada ay Islaamiyiintu u sareeyaan.

Daliiil tan ugu dhow ayaa noqon karta Dowladdi Xasan Shiikh. Waxaa ku hareereysnaa garab ka mid ah islaamyiinta Soomaaliya, waliba xubno aqoon & Xirfad leh, haddana shakiga Fasaadka, Caddaalad darida & waliba gacan saarka dhow ee ay la yeesheen Dowladda Itoobiya, intuba waxuu u dhameeyay mashruuci Islaamiyiinta ee Dowlad Islaami ah, taa oo badel ka noqota Dowlad Madani oo ah tan suuqa ka heysata caalamka, Soomaaliduna u dhago nugshahay manta.

Fahamka Dowlad wadaagga:

Khudabadi Shiikh Bashiir, uu ka jeediyay Baarlaanka maalinti Doorashada madaxweynaha, waxey aheyd billoooow muujinaya in Islamiyiinta Soomaaliya ay u bislaadeeen fahamka Dowladnimo, suuro galna ay tahay in masjidka & Madaxtooyadu ay wadaag ku noqon karaan hanaan Dowladnimo oo Soomaali weyn ka dhaxeyso, aydoo laga duulayo danta guud ee bulshada.

Shiikh Bashiir waxuu codkiisa ku biiriyay in la taageero cidda qaadi karta amaanda Dalka & dadka Soomaali. trio badan oo Islaaamiyiin ah ayaa lahaa cod bixinta, sidoo kale musharxiinta tartamayay, waliba Sadexdi xubno ee isku soo haray (Farmajo, Xasan Shiikh & Shariif) labada dambe waxey gacan saar la ahaayeen Islaamiyiinta Baarlamaanka dhoobnaa, haddana sidaa ay tahay waxaa codkii si siman loogu biiriyay Sanduuuqi Mudane Farmaajo, oo heystay kalsoonida shacbka, una muuqday Nin karmeed jili kara Dowladda madaniga ee Sooomaaliya loo rabo.

Tusaalahaa & fahamka Guud ee Culumada qaar, waxay na siineysaa natiijo ah in islaamiyiinta Soomaaliya ay dhacday in Dowladnimadu ay wadaag tahay, diyaarna u yihiin la jaan- qaadka Dowlad kastaa oo Soomaaliya ka dhalata, taa oo xad u yeeleysa Dagaalka diimeeed ee ka dhaxeeya Masjidka uu fadhiiyo Shiikh Maxamed & Madaxtooyada uu ka taliyo Maxamed kale oo isna Islaam ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *