tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Khatarta ka dhalan karta abaarta ka taagan Soomaaliya oo wali laga digayo

2017122636206561075902101carcass

Muqdisho (RBC Radio) Soomaaliya ku dhawaad labo sanno waxaa ka taagan abaar saameysay dadka iyo doonyada,waxaana wali laga digaya khataraha ka dhalan karta saameynta abaarta.

Kumanaan qoys ayaa abaarta ku xoolo beelay tiro inta ka badana waxaa ay u hayaameen deegaanno ka fog dhulkii ay deganayeen,iyagoo baad u raadinaya xoolaha yar ee u dhiman.

Baaqyo ku adaan wax ka qabashada abaarta ayaa ka soo baxaya beesha caalamka,dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee gargaar,laakin ma muuqato wax tallaabo ah oo la qaaday ilaa hadda.

Wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku baaqay xaaladda ka jirta Soomaaliya inay jogto meeshii ugu liidatay,wuxuuna dalbaday si dhaqso ah il loo sameeyo ficil lugu sama-bixinayo dadka iyo duunyada.

Nicholas Kay inta wuxuu ku daray dad badan inay macaluul ugu dhinteen gudaha Soomaaliya,isagoo marka soo jeediyay in haddii aan tillaabo degdeg ah la qaadin kumanaan qof macaluuli dili doonto.

Abaarta ka taagan Soomaaliya ayaa soo billaabatay sanadkii 2015,waxaana xaalad tan la mid ah ay dhacday inta u dhaxeysay sanadihii 2010 ilaa 2012.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *