tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Lacago Dheeraad Ah Oo Lagu Soo Rogay Dadka Ka Dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Adan-Cade-620x350

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa lacago dheerad ah ku soo rogtay dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho,sida uu sheegay maareeyaha garoonka.

Ashkir Jaamac oo ah maareeyaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa u sheegay saxaafadda dowladda inay lacago dheerad ah ka qaadayso dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu ku sheegay in lugu go’aamiyay lacagahan shir ay golaha wasiirrada ku yeeshan magaalada Muqdisho,waxaana lacagta dheeradka ah lugu taageerri doona gurmadka dadka ay abaaruhu saameyeen ee gudaha dalka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,wuxuu tilmaamay in dadka ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde una socdaalaya goballada dalka laga qaadayo lacag dhan 5 Dollar, halka dadka kale ee u safraya meel dalka ka baxsan laga qaadayo 10 Dollar, waxaana arrintan ay socon doontaa mudo 3 bilood ah.

Sidoo kale,maareeyaha goroonka Aadan Cadde ayaa ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay bixiyaan lacagaha lagu soo kordhiyay si loogu caawiyo walaalahooda Soomaliyeed ee abaartu saameysay.

Go’ankan wuxuu qayb ka noqonaya dadaallada ka socda dalka ee lugu doonayo in gurmad lugu gaarsiiyo kumanaanka ruux ee ay saameysay abaarta ka jirta dalka.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *