tawakal expressgolis logo



Madaxa shirkadda Samsung oo lugu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed

MW-FF706_samsun_20170212212519_ZH

Muqdisho (RBC Radio) Booliska Kuuriyada Koonfureed ayaa xabsiga dhigay madaxa shirkadda Samsung oo lugu magacaabo Lee Jae-yong ,xariga oo ku yimid amar ka soo baxay maxkamadda.

Labo mar ayaa toddobadyadii hore su’aalo la waydiiyay madaxa shirkadda Samsung ee taleefoonada caanka ku ah,kaaso loo heysto laaluush iyo eedaymo kale.

Lee Jae-yong waxa ugu weyn ee loo heysto ayaa ah in shirkadda uu hoggaamiye ay deeq shirkad ay maamusho Choi Soon-sil,oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii dalka Kuuriyada Koonfureed Park Geung-hye, arrintaas oo ay shirkaddu ku badalanaysay in ay gacan ka hesho dawladda.

Dacwada loo heysto ayaa waxaa ku kordhay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo horleh oo la helay,taaso qasab ka dhigtay in xabsiga lugu xiro madaxa shirkadda Samsung.

20 maalmood ee ugu soo horreeysa ayaa la baari doono dambiyada loo heysto Lee Jae-yong ,sida ay sheegen dacwad oogeyaasha.

Ugu dambeyntii,xariga madaxa shirkadda Samsung waxaa ay maxkamadda ku sheegtay mid looga hortagayo khatar.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *