tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Madaxweyne Farmaajo: Ciidamada AMISOM way joogayaan

16729394_1233120553402097_2782296255543111641_nMuqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay sii joogi doonan dalka ciidamada ka socda waddamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Hadal uu ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay oo Khamiistii shalay ka dhacday madaxtooyadda Soomaaliya,wuxuu u mahadceliyay dadka qaybta ka ah AMISOM,marka wuxuu sheegay naftooda inay u hureen Soomaaliya.

“Wax la isi siiyo nafta ugu qaalisan askarta AMISOM,waxay naftooda u hureen Soomaaliya,”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in la dhisi doono ciidamo Soomaali ah,kuwaaso awood u yaalanaya inay badalaan ciidamada nabad ilaalinta dalka u jooga ee AMISOM.

“Waxay ku noqon doonan dalalka ay ka yimaadeen,marka aan dhisno ciidamo xooggan oo Soomaali ah,”ayuu ku daray hadalkiisa Maxamed Cabdullaahi madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Toban sanno oo u howlgalka AMISOM ka socda Soomaaliya,waxaa laga guuleystan la’yahay ururka al-Shabaab oo khatar ku ah nabadgalyadda Soomaaliya.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *