tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan wada qaatay(Sawirro)

16711777_1232358323478320_7023387581688318584_n

Muqdisho-(RBC Radio)-Madaxweynaha J.F.S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka mudane Xasa Sheekh Maxamuud oo ay ka wad hadleen xaaladda uu dalka marayo iyo fursadaha dowladda cusub heysato.

Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajiyo iyo madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay uga hadleen xaaladda dalka ku sugan yahay, muhiimadda dowladda cusub iyo fursadaha hor yaalla xiligaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa goob joog ka ahaa kulanka ay qaateen labada Madaxweye.

16712045_1232358373478315_5094482846184519303_n

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyey madaxweynaha dalka Farmaajo howlaha xafiiska madaxweynaha uu dalka u soo qabtay iyo dedaalladii lagu guuleystay afartii sanno ee u dambeysay, waxa uu intaa raaciyey in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-ka si dimoqoraadiyad leh, kulankaasina waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud mudadii uu dalka soo hoggaaminayey, guulihii la gaaray iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya ku lataabsatay, waxa uu sheegay in dowladdiisa cusub ay ku sii dari doonto dedaal dheeri ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonto Soomaaliya oo wadajirta in ay guuleysato.

Farmaajo-iyo-Jawaari-1

kulanka inta uu socdey waxaa la isku soo qaadey munaasabadda xil wareejinta ee dhici doonta maalinta barrito ah 16-ka Feberaayo 2017-ka, sida loo diyaariyey iyo dhammeystirkeeda.

Madaxweynaha dalka, madaxweynihii hore iyo guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa sidoo kale wada qaatay kulan qado ah oo lagu soo dhoweynayey madaxweynaha cusub, kaas oo ka dhacay Villa Soomaaliya, iyadoo ay joogeen howl-wadeennada kala duwan ee masuuliyiintaasi.

Daawo Sawirro.

16711777_1232358323478320_7023387581688318584_n 16711832_1232350310145788_2295929294065210947_n 16712045_1232358373478315_5094482846184519303_n 16729218_1232358383478314_3900587349540315815_n Farmaajo Farmaajo-iyo-Jawaari-1 Villa-Somalia

___

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *