tawakal expressgolis logo



Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa xarunta madaxtooyadda

madaxweyne-farmaajo

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ugu horreeyay magacaabay,saacado un kaddib markii xilka madaxweynaha uu kala wareegay madaxweynihii hore.

Madaxweyne Farmaajo jagada ugu horreeysay ee u magacaabay,waxaa ay noqotay agaasimaha guud ee xarunta madaxtooyadda,xilka waxaa qabanaya danjire Cali Saciid Fiqi.

Fiqi ayaa xilkan loo magacaabay isagoo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ahna wakiilka Soomaaliya ee waddamada Belgium, Holland iyo Luxembourg.

Madaxweynaha waxaa kalo uu magacaabay madaxa baratikoolka iyo habmaamuuska madaxtooyada Soomaaliya,waxaana noqday Siyaad Maxamuud Shire.

Siyaad Maxamud Shire wali ku magacaaban yahay qusulka safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale, Xusseen Macalim Maxamuud ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca amniga qaranka ee madaxweynaha.

Xilalkan waa kuwii ugu horreeyay,waxaana ay bilowday u tahay shaqada madaxweynaha cusub,iyadoo maalmahan la filaya in la magacaabo xilal kale oo cusub.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *