tawakal expressgolis logo



Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah xilka ula wareegay madaxtooyadana u guuray

ECAE1578-2328-44DF-8D9D-CA4E0F09F28E-5373-000005024E32EF4C_tmp

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta si rasmi xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabad  kooban oo lugu qabtay madaxtooyada Villa Somalia ayuu madaxweynaha xilka kula wareegay,waxaa ka qaybgalay xildhibaanno labada gole ah iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore ayaa ku soo dhaweeyay maxaxweynaha cusub madaxtooyad,halka oo u ku shaqeyn doono afarta sanno ee  u dalka hoggaaminayo.

Ciidamada bambeyda ayaa tumay astaanka qaranka,kaddibna madaxweynaha cusub ayaa lugu soo wareejiyay madaxtooyada,iyadoo marka la tusay gabagyada kala duwan ee dhexyaalla madaxtooyadda.

51533388-591F-4BEE-9B38-781FD4B11608-5373-000005024643A482_tmp

Xasan Sheekh ayaa sheegay madaxweynaha cusub inuu xilka ku wareejiyay,wuxuuna u guuray dhisme looga diyaariyay gudaha magaalada Muqdisho.

Hannaanka ay xilka ulakala wareegen labada madaxweynaha ayaa laga arkayay qanacsanaan,waxaana lugu sheegay tusaale cad oo muujinaya dimuquraadiyada Soomaaliya.

B988D9D4-E89F-4E2F-AA96-30A84DC18060-5373-000005025629E70E_tmp

Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi ayaa hadda gudagalaya dhismaha hay’adaha dowladda,waxaa ugu horreeya inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka.

Ugu dambeyntii,munaasabad diyaarinteeda ay socoto ayaa lugu caleema-saari doona madaxweynaha cusub,taaso Muqdisho ka dhacaysa 22 bishan Febaraayo.

 

IMG_1289 IMG_1290 IMG_1291 IMG_1293 IMG_1294 IMG_1295___

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *