tawakal expressgolis logo



Shirkadda Nokia oo dib usoo celinaysa taleefoonkii caanka ka ahaa Soomaaliya ee Nokia 3310

1

Muqdisho (RBC Radio) Shirkadda Nokia ayaa la hadal-haya inay mar kale suuqyada ku soo celin doonto taleefoonkii caanka ahaa ee Nokia 3310.

Baraha bulshada ayaa aad looga hadal-haya dib usoo celinta taleefoonka ee Nokia 3310,kaaso muddo 17 sanno laga joogo suuqyada caalamka heystay,waxaa kalo taleefoonka lugu yaqaanay inuu ahaa mid tayo sare leh.

Laakin shirkadda Nokia ma aysan rumeyn wali in mar kale taleefoonka suuqyada lugu soo celinayo ama dib loo soo sameyn doono,waxaase sarkal u hadlayay shirkadda u sheegay inuu la dhacsan-yahay sida ay wali bulshada u doonayaan adegsiga taleefoonka Nokia 3310.

Dadka arrimaha taleefoonada ka hadla waxaa ay u arkan taleefoonka xilli hore la isticmaali jiray inuu wali heysto fursad,Alistair Charlton oo tifaftire ku xigeen ka ah IB Times ayaa u sheegay BBC-da in uu ku kalsoon yahay in ayaydii ay isticmaali karto 3310 balse ay u badan tahay in aysan garanin meesha laga billaabo isticmaalka iphone ama Android.

Suuqyada Soomaaliya ayuu taleefoonkan Nokia 3310 mar heystay,dadka ayaana u qaadan jiray inuu tayo sare lahaa,inta waxaa u dheer baytariga ku heyn kara,iyadoo waqtigan la joogo taleefoonada casriga ah laga cabto baytariga oo si dhaqso ah ku dhaca.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *