tawakal expressgolis logo



Soomaali laga soo musaafurinayo dalka Mozambique

Askar ka tirsan booliska Mozambique

Askar ka tirsan booliska Mozambique

Muqdisho (RBC Radio) Ilaa lix ruux oo Soomaali ah ayaa dowladda Mozambique waxaa ay dooneysa inay ku soo celiso dalkooda.

Dadkan Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla gobolka Nampula waxaa ay qayb ka yihiin ajaanib ay booliska soo qabteen,kuwaas oo la sheegay inaysan heysan sharciyo ay ku joogan dalkaas.

Dalka Mozambique sharciga u degsan wuxuu yahay qofka aan heysan fiisooyinka ama sharciyada kale ee u ogaanayo dalkaas inuu joogo in lugu celiyo dalka uu ka soo jeeda.

Docda kale,wararka aan ka heleyno isla dalka Mozambique ayaa sheegaya shil gaari oo ka dhacay inay ku dhinteen dad Soomaali ah,sida laga soo xigtay booliska.

Dadka Soomaalida ah ee saarna gaariga shilka galay,waxaa la sheegay inay ka soo baxeen garoon diyaaradeed oo dalka ku yaalla,kaaso ay ka soo degeen.

Lama shaacin magacyada iyo tirada dadka wax ku noqday shilka gaari,laakin waxaa la sheegay in halkaas lugu aasi doona dadka geeryooday.

Mozambique waxaa ay u tagaan dadka Soomaalida ah inay ka abuuran ganacsiga,waxaana waddanka ganacsi ballaaran ku leh dad badan oo Soomaali ah.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *