tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Xalfadda Xil Wareejinta Madaxweynaha Cusub oo Goor Dhow ka Billaabanaysa Villa Somalia

8A1F51EE-ECAE-4545-A44B-44A2CD6575CB_w1023_r1_s

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xilka kala wareegaya madaxweynihii ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Xalfadda xil-wareejinta ayaa ka dhacasa madaxtooyadda Soomaaliya,taaso goor dhow billaabanaysa,sida uu ku soo warramaya wariye ka tirsan Raxanreeb oo madaxtooyadda jooga.

Madaxweynaha cusub ayaa muddo ka badan toddobad kaddib oo ay doorashadiisa ka dhacday Muqdisho,wuxuu maanta la wareegaya xafiiska uu ku shaqeyn doono afarta sanno ee u hoggaaminayo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddada uu xilka hayay,wuxuu ku shaqeynayay hoteel ku yaalla Muqdisho,halka oo u ku qaabilayay wafduuda booqaneysa iyo kulamada kale.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Shadoor Xaaji Maxamuud.ayaa sheegay in shaqada madaxweynaha ay maanta uga billaaban doonan xarunta madaxtooyadda ee ammaankeeda sida aadka ah loo ilaaliyo.

Ugu dambeyntii,waxaa lakala qaaday xil-wareejinta iyo caleema-saarka madaxweynaha,arrinata wuxuu ku sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya in looga dan-leeyahay sidii loo dhigi lahaa munaasabad ballaaran oo noqonaysa calaama-saarka madaxweynaha.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *