tawakal expressgolis logo



Agaasimihii la dagaalanka burcad-badeedka puntland oo ka hadlay xil ka qaadistuu uu ku sameeyey Madaxweyne Gaas(Dhegeyso)

vlcsnap-2015-09-06-05h52m56s120

Garowe-(RBC Radio)-Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa maanta ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), isagoo dalka ka maqan.

Ducaysane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa faah faahin ka bixiyay wax-qabadkiisa oo kasoo bilaabanayay xilligii dowladdii AUN Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, wuxuuna sheegay inuu door-weyn ka qaatay sidii bulshada qurbaha ku nool la isugu xiri lahaa islamarkaana magaca Puntland loo gaarsiin lahaa America.

Cabdirasaaq, ayaa sheegay inuu Somalia iyo Puntland u keenay mashruucii ugu qiimaha badnaa oo ahaa kii lagula dagaallamay Bur-cadda taasoo uu xusay inay laga dhaxlay faa’iidooyin badan.

Ducaysane ayaa Madaxweyne Gaas oo ku eedeeyey inuu ka gaabiyay shaqada xafiiskan hadii ay ahaan lahayd kharashaadkii uu ku shaqayn lahaa, kiradii iyo korontada intabada, wuxuun taas badalkeeda xusay inuu xafiis ka dhigtay gurigiisa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu.

Xilka qaadista lagu sameeyay iyo tallaabooyinka ayuu ku sheegay inuu qaban qaabinayay shir looga hadlayay Kalluumaysiga Sharci darrada, taasoo keentay in Wasiir dowlaha Kalluumaysiga Kulmiye uu qorshahaas u gudbiyay Madaxweynaha isagoo ka dhaadhiciyay fikrado khaldan iyo inuu yahay qof kasoo horjeeda xukuumadda.

Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane, ayaa sidoo kale Sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha, maadaama sida uu hadalka u dhigay Dastuurku uusan qabin in Madaxweynaha oo maqan xilka ka qaadis sameeyo isagoo uu joogo ku-xigeenkiisa oo shaqadaas looga baahnaa.

Ducaysane waxaa uu gebogabidii ku dhawaaqay inuu xilkaas ka tanaasulay kadib markii u arkay inaysan raali ka ahayn dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdili islamarkaana laga jaray tasiilaadkii ay ku shaqayn lahayd.

Halkaan ka dhegeyso shirka saxaafadeedka Ducaysane.


___

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *