tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

AUN Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo Nairobi ku geeryooday

Xildhibanka

Gaalkacyo (RBC Radio) Allaha u naxaristo waxaa magaalada Nairobi ku geeryooday xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa golaha baarlamaanka Puntland,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah qoyskiisa.

Xildhibaanka ayaa xaalad caafimaad dhowaan loo geeyay magaalada Nairobi,kaddib markii uu ku dhaawacmay 8-dii bishan Maarso 2017 qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa xilli uu ka soo baxay hotel ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo golaha baarlamaanka ayaa ka tacsiiyay geerida xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan.

Allaha u naxaristo xildhibaan Bootaan wuxuu ka mid ahaa guddiga nabadgalyadda ee loo xil-saaray gobolka Mudug,waxaana qaraxa uu ku dhaawacmay ee gaarigiisa lugu xiray sheegtay ururka al-Shabaab.

Weerarrada iyo dilalka ay sheeganayaan al-Shabaab ayaa ku soo batay gudaha Puntland muddooyinkii dambe,waxaana mas’uuliyiin iyo dad kalaba lugu dilay magaalada Boosaaso dhowr mar oo is xigtay.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *