tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Baarlamaanka oo ku baaqay si deg deg ah in loo soo magacaabo wasiirrada Faderaalka

C

Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya,Mahad Cabdala Cawad ayaa usoo jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu si dhaqso ah ku soo magacaabo golaha wasiirrada ee xukuumadda Faderaalka.

Hadal uu ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka kulan uu baarlamaanka shalay qaatay ayuu ku sheegay inay muhiim tahay si deg deg ah in lugu soo magacaabo wasiirrada.

“Waa in Xukuumadda si deg deg ah loo soo dhiso, Xildhibaanada waxay kaliya u xayiran yihiin ansixinta Xukuumadda, si gurmadka abaaraha socda uga qeyb qaataan”.ayuu yiri Mahad Cawad.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa kalo uu baarlamaanka ugu baaqay in loo baahan yahay Xildhibaanada inay qeyb ka noqdaan gurmadka abaaraha iyo deegaanada deeqaha la gaarsiinayo, maaddama ay yihiin deegaannadii laga soo doortay.

Waxaa uu sheegay inuu ka dalbaday hay’addaha fulinta iyo Guddiga Abaaraha inay Xildhibaanada u adeegsadaan howsha gaarsiinta deeqaha, lagana wareysto Xildhibaanada, maadaama ay matalaan shacabka.

Guddoonka baarlamaanka ayaa baaqan u diray ra’iisul wasaaraha xilli la sheegay inuu is marin-waa xooggan ka taagan yahay soo magacaabista wasiirrada Faderaalka,sida u dastuurka qabo muddo soddon cisho ah oo ku eg 31 bishan Maarso ayaa looga fadhiya ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha inuu wasiirrada ku hor-keeno baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *