tawakal expressgolis logo



Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey qarraar ku aadan gurmadka abaaraha dalka

baarlamaanka-111

Muqdisho (RBC Radio) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay qarraar ku aadan gurmadka abaaraha dalka, kaasi oo muddooyinkan ay ka doodayeen Xildhibaannada.

Furitaanka kulanka Baarlamaanka ee manta Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ku amba qaadeen dhameystirka Dooda qarraarka gurmadka Abaaraha dalka oo ay maalmahan ka doodayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana ay tallooyinka Jaalleyaasha ku qotomeen in la xoojiyo gurmadka Abaaraha iyo in la sugo qaabka gurmadka loo sameeynayo ayadoo guddiyada ku shaqada leh ay Baarlamaanka la wadagayaan xogta halka ay mareyso gurmad sameynta.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha shacabka,Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka uga war bixiyey kulan ay Guddoonka Golaha Shacabka la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’isulwasaaraha kaasi oo ku aadanaa xoojinta Gurmadka Abaaraha Dalka ayadoo Jaalleyaasha Golaha Shacabkana ay ka qeyb qaadanayaan .

Doodda iyo ku biirinta tallooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka kadib waxaa qarraarka lagu meel amriyey codeyn gacan taag aheyd waxaana natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shirka Guddoominayey.

Ugu dambeyntii,ka sokoow meel marinta qarraarka gurmadka Abaaraha Dalka waxa ay Xildhibaannada Golaha Shacabku qaateen kulan ay si hoose ugu eegayeen xaaladda Dalka kaasi oo ay saxaafaddu dibad joog ka aheyd.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *