tawakal expressgolis logo



Bosaso oo lagu soo bandhigay Markabkii ARIS 13 ee dhawaan lagu Afduubtay Puntland(Sawirro)

IMG_4245Boosaaso(RBC Radio) Waxaa maanta la keenay Dekedda magaalada Boosaaso markab dhawaan ay soo furteen ciidanka Badda ee Puntland kaasoo koox dhalinyaro degaanka ah ku haysteen xeebta Xaabo ee gobolka Garadafuu.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa gacanta ugu jira Puntland iyadoona shaqaalaha saaran dhammaantood sheegeen ineysan wax dhibaato ah kala kulmin kooxdii dhalinyarada ahayd ee haysatay.

Dhalinyarada markabka afduubatay ayaa sheegay iney yihiin kalluumeysato sababta ay u qabsadeena ay tahay in lagu dhibaateeyey xeebaha Puntland.

Markabkan ayaa muddo saddex maalood ah lagu baarayey dekedda magaalada Boosaaso,kaddib markii looga shakiyey in uu yahay markab kala gudbiya hubka iyo xaalufka lagu hayo xeebaha Puntland.

Markabka ARIS 13 ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Wafdi ka socday dalka Jabuuti kuwaasoo u yimid arrinta markabkaas.

Xaflad xil-wareejin ahayd ayaa lagu qabtay dekadda magaalada Boosaaso,waxaana goob joog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland,Wasiiro iyo wafdi ka socday dalka Jabuuti iyo maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in gacanta Puntland uu dib usoo galay markabku,wuxuuse qiray in xeebaha Puntland lagu hayo jariif sharci-darro ah siiba kalluumpeysata dhibaato loo geysto.

Mudane Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in beesha caalamku ay iska dhago tirtay cabashooyinka ku aadan kalluumeysiga sharci-darada ah ee lagu hayo xeebaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa goobta ka sheegay in mid hal darajo la dalacsiin doono ciidankii ka qeybqaatay soo furashada markabka.

Markabka Aris 13 sii-deyntiisa sidoo kale ,waxaa qeyb weyn ka qaatay odayaasha degaanka kuwaasoo ku qanciyey dhalinyarada iney si nabadgelyo ah ku sii-daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran.

IMG_4253 IMG_4256 IMG_4270 IMG_4277
IMG_4308IMG_4295 IMG_4316 IMG_4324 IMG_4356 IMG_4372 IMG_4378 IMG_4381 IMG_4385 IMG_4395 IMG_4430 IMG_4432 IMG_4442 IMG_4456

____________

RBC Radio

Boosaaso



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *