tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Dowladda Canada oo 21 milyan ugu deeqday wax ka qabashada Abaarta Soomaaliya

o-AHMED-HUSSEN-570

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Canada ayaa lacag gaaraysa 21 milyan oo doollar ugu tala-gashay in wax looga qabto abaarta ka taagan Soomaaliya,sida u ku dhawaaqay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda ee dalka Canada, Axmed Huseen.

Lacagtan ayaa loo arka inay door weyn ka qaadaneyso dadaallada socda ee la doonayo in loogu gurmado dadka ay saameysay abaarta ee gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay dhowaan in cudurada shuban biyoodka iyo daacuun caloolaha lala xiriirinayo abaarta ay ku dhinteen, dad kun iyo lix boqol ka badanna ay nafaqa darro heyso.

Dhinaca kale,dowladda Canada waxaa la sheegay inay dhaqaalo badan ugu deeqi doonto dhowr dal oo marxaladdo kala duwan ku jira,kuwaaso kala ah Nigeria oo heli doonta 27 million oo doollar,Koonfurta Suudaan 37 million oo doollar iyo dalka Yemen oo loo qoondeeyey 34 million oo doollar.
___
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *