tawakal expressgolis logo



Kenya oo bandow ku soo rogtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

_92463841_dhadhaab

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Kenya waxaa ay bandow ku soo rogtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo dadka ugu badan ee ku nool ay Soomaali yihiin.

Waxaa lugu sheegay bandowgan in looga danleeyahay adkeynta amniga iyo ka hortaga weerarro ka yimaada kooxda al-Shabaab ee ku xooggan koonfurta Soomaaliya iyo dhulka kala bara labada waddan.

Saraakiil u hadlayay hay’adaha ammaanka Kenya waxaa ay sheegen in si dhow loola socon doona amniga xeryaha Dhadhaab,ma aysan sheegen haddii ay jiraan xogo ku aadan weerarro laga cabsi qabo.

Dowladda Kenya horay ayay bandow ugu soo rogtay gobolka Waqooyi bari oo ay ka tirsanyihiin xeryaha Dhadhaab.

Weerarro dad badan lugu dilay oo ka dhacay qaybo ka mid ah Kenya ayaa sabab u noqday dowladda inay dhaq dhaqaaq xooggan ka sameyso deegaannada xaduudka xiga.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *