tawakal expressgolis logo



Maxaa lagu Xasuustaa AUN Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan(Dhegeyso+Akriso)

Xildhibaan-Cabdulqaadir-Faarax-Bootaan

Garowe-(RBC Radio)-AUN Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ahaa barlamaanka Puntland ayaa maantay barqaii ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey.

AUN Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey qarax gaarigiisa loogu xiray 8-kii bishaan March isagoo kusugnaa magaalada Galkacyo,waxaana 9-kii bishaan loo qaaday dalka Kenya.

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan waxaa uu Baarlamaanka Puntland kusoo biiray sanadkii 2012-kii isagoo badalay xildhibaan Xirsi Cabdi Oog waxaana markale dib loo soo doortay sanadkii 2014kii.

AUN Xildhibaan Bootaan waxaa ka tirsanaa guddiga joogta ah ee Baarlamaanka Puntland waxaana uu madax u ahaa guddiga arimaha Bulshada ee Baarlamaanka.

Xildhibaan-Cabdulqaadir-Faarax-Bootaan

Xildhibaan Bootaan alle u raxmadee waxaa labadii sano ee u danbaysay ka shaqaynayey Magaalada Gaalkacyo waxaana uu kamid ahaa guddiga hagaajinta amniga iyo maamulka Gobalka Mudug.

Xildhibaan Bootaan waxaa uu ahaa aqoonyahay aad ugu xeel dheer Afka Soomaaliga waxaana uu mudooyinkii danbe ku mashquulsanaa qorista book ka hadlaya afka Soomaaliga sida uu Raxanreeb u sheegay xildhibana Surcad oo kamid ah Baarlamaanka Puntland,waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa shaqsi ahlu diin ah oo af gaaban.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku hadlayey magaca golaha wakiilada Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu uga tacsiyeeyey Ehelkii,Dowladda iyo Shacabka Puntland Geerida ku timdi xildhibaaan.

Sidookale Xildhibaan Cabdi Samatare Surcad iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Warsame(Maxamuud Dheere) oo la hadlay Raxanreeb.com ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka.

Halkaan Hoose ka Akhriso warsaxaafadeedka.

qoraal

Hoos Ka dhegeyso Xildhibaanada.


___

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *