tawakal expressgolis logo



MURAAYADDA WAAYAHA “SICIR-BARARKA” (Q. 2) W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar

MURAAYADDA WAAYAHA “SICIR-BARARKA” (Q. 2)
Maxammad Saleebaan Cumar
halabuur2@gmail.com
March 21, 2017

“Qormooyin toddobaadle ah oo lafaguraya duruufaha nololeed iyo xaaladaha taagan”

 

Qoraaga maqaalka,Maxammad Saleebaan Cumar

Qoraaga maqaalka,Maxammad Saleebaan Cumar

Sicir barar ayaa hadheeyay guud ahaan dalka. Waxa qiime beelay shilinkii maxalliga ahaa. Waxa marba marka dambaysa cirka isku shareeraya qiimayaasha ascaarta maceeshadda. Badiba bulshada shaqaysa ee Somaliland waxay mushaharka ku qaataan shilin. Ganacsatada heerka hoose/dhexe waxay ku ganacsadaan shilin. Ganacsiyo badan ayaa durba laalaabatay. Guryo badan oo dabka loo shidi jirayn iyagana looma dhadhaaro. Tayo-beelka shilinku wuxu mar kale horseed ka noqonayaa kala-fogaanshaha dabaqadaha dhaqaale ee bulshada. Saamayn xooggan oo nololeed ayay arrintaasi keensatay.

Dhawr jeer ayay dawladdu isku dayday inay xakamayso xaaladdan dhaqaale-darro ee isa soo taraysa. Marar badan waxay soo saartay go’aammo lagula tacaalayo qiime-dhaca shilinka dalka. Sannadkii ugu dambeeyay oo qudh ah laba jeer ayay xukuumaddu go’aammo ka soo saartay xaaladdan. Go’aammada sicir-bararka ayaynnu toddobaadkan ku eegi doonnaa taxanaheenna “Muraayadda Waayaha”.

MAARAYNTII SICIR-BARARKA – GO’AAMMO IYO GUDDIYO

3/12/2015 ayuu Madaxweynuhu digreeto ku magacaabay guddi shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira. Guddidaa oo uu guddoomiye u ahaa Madaxweyne ku xigeenku, waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe. Laakiin digreetadaasi ma dhaqangalin, guddidaasina ma tisqaadin. Maalmo kadib ba, sicirku halkiisii ayuu ku noqday.

Mar kale ayaa haddana guddi kale iyo go’aammo kale lagu hambabaray. 24/1/2017, shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirrada Somaliland, waxay ugu codeeyeen 17 qodob oo ay sheegeen in ay u arkaan xalka sicir-bararka soo noqnoqday. Ka sokow waajib-yeelista adeegsiga lacagta dalka, golaha Wasiirradu waxa uu go’aamiyay: In aan shaqaalaha dawladda, ciidamada iyo madaxda hay’adaha qaranku mushaharka ku qaadan karin Doollar; in aan sarrifka Doollarku dhaafi karin Sl.Sh. 7,000/; in aan shirkadaha waaweyni ka shaqaysan karin sarrifka iyo in aan Zaad iyo e-Dahab teleefannadooda gacanta lagu shubi karin wax ka yar $100. Waxa kale oo goluhu go’aamiyay in Zaad iyo e-Dahab ay systems kooda ka saaraan Doollarka, isla markaana ay ku-shubashada iyo ku-kaydsiga lacageed ee Shilinka ka dhigaan mid aan xad lahayn. Nasiibdarro, laba bilood kadib, waxaynnu marag ka nahay in go’aammadaasi ku dambeeyeen huf iyo been.

Marnaba si furan looma lafagurin sababaha dhabta ah ee dhaliyay mushkiladda sicirka. Sidoo kale, marnaba si deggan oo aqoon ku dhisan loogama fikirin xalka ugu habboon ee suurtogalka ah, si loo maareeyo qaddiyaddan. Sidaa darteed, ilaa hadda ma jiro xal arrintaa laga gaadhay. Arrimahani waxay dhacayaan iyada oo Madaxweynahuna yahay dhaqaale-yahan ka soo baxay Jaamacadaha ugu mudan ee qaaradda Yurub.

Muddadii uu madaxweynuhu xilka hayay waxa uu magacaabay guddiyo tirobeel ah. Laakiin guddiyadaa badankoodu way fashilmeen. Guddidii bilicda, Guddidii tahriibta, Guddidii ictiraaf-raadinta, Guddidii abaaraha, Guddidii sicir-bararka, Guddidii wada-hadallada Soomaaliya, Guddidii dhoofka xoolaha, iyo guddiyo kale oo badan ayaynnu wada xusuusan karnaa.

Waxa kale oo aynnu xusuusannahay: Go’aankii ololaha nadaafadda qaran (45kii cashaba hal mar), Go’aankii lagu mamnuucay bac-miikada, Go’aankii dadka aan muwaaddiniinta ahayn dalka lagaga saarayay dalka i.q.k.

Sida garashada fayoobi tahay, go’aan qaadasho kasta oo dawli ahi waxay ku sal leedahay xog. Si loo helo xogo lagu qaadan karo go’aammo midho-dhal ah oo saamayn togan keena, waa in la sameeyo xog-raadin tifaftiran, deraasad hufan iyo cilmi-baadhis dhammays ah. Waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo “xog la helyaaba talo la hel.” Wanaagga ama wanaag-la’aanta go’aanka dawladi leedahay waxa xukuma wanaagga ama wanaag-la’aanta xogaha lagu qaatay go’aammadaa. Xogo bawsi ahi waxay dhalaan go’aammo dhicis ah.

Talada maaraynta sicirbararku waxay weecatay markii Guddida la saaray. Ma jirto qiraal fashil oo ka weyn in hoggaamintaadu ku soo ururto guddiyo iyada oo hay’ado dawladeed oo arrimahaa ku shaqo lehi jiraan. Guddidan oo qudh ah ma aha, ee way yar tahay guddi uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo qaranku mahadiyay. Inta badan, guddiyadu waa raad-gadasho iyo tabo lagaga baxsado waajibaad u baahan in si adag looga hawlgalo. Waa xeelado baadisooc u ah maamulxumo, qorshe xumo iyo daahfurnaan la’aan ku sal leh xilgudasho darro baahsan.

Marka arrintu tahay kuurgal, baadhis, deraasad iyo xogururin; looga gol leeyahay talooyin lagu meelmaro oo dhibaato jirta maare u noqda, sinnaba ugama fursan karto xeeldheerayaal ku talaxtagay oo takhasusaad aqooneed u leh qaddiyadda la xallilayo. Marka se aad arrintaa u xilsaarto xubno aanad aqoon ugu xilan, sow ma cadda inaad dadka u qaadayso ‘shinbirayahow heesa?’ Sow ma cadda in xaalkaagu yahay ‘qawda maqashii waxna ha u qaban?’ Haddii aad in uun dhaaddan tahay daawaha kulul ee shacabkaagu saaran yahay iyo sida noloshoodu uga sii darayso maalinba maalinta ka dambaysa, ilama aha in xaal sidan noqon lahaa. Hadday se ku sii socoto, waan hubaa in marka ay xammili waayaan dacdarrooyinka nololeed ay godkaaga kuugu soo gali doonaan. Waxa soo socdaa yaab leh.

Mushkiladda sicirku ma aha dhibaato maanta abuurantay ee waa dhibaato la kowsatay abuuritaankii qarannimada Somaliland, toddobadii sanno ee u dambeeyayna xadhkaha goosatay.

Weyddiintu waxay tahay yaa ka masuul ah dhibaatadan? Waxa ka masuul ah dawladda oo gabtay kaalinteedii ku aaddanayd maamulka maaliyadda, adeegsiga dawladda ee lacagaha qalaad, awood-la’aanta bangiga dhexe, iyo arrimo la halmaala oo u baahan deraasad dhab ah. Taa waxa soo raaca, in aan dalkeennu lahayn waxsoosaar aynnu dhoofinno oo ay lacag adagi inooga soo hoyato. Lacagta adagi waxay dalkeenna ka soo gashaa dhoofka xoolaha nool, xawaaladaha iyo hay’adaha caalamiga ah. Dhoofkii xooluhu wuu hakaday, lacagtii xawaaladahana hoos-u-dhac baa ku yimid. Taa waxa barbar socota lacagta adag ee qaadka ee habeen walba dalka ka baxda. Waxa kale oo barbar socda lacagta Shilinka ee sida qorshe-la’aanta ah dawladdu isaga soo daabacato. Falgalka dhawrkaa xaaladood ee iska soo hor jeeda ayaa horseeday dheelliga iyo kala-badashada xad-dhaafka ah ee Shilinka dalka iyo Doollarka. Isku-miisaamidda isirradaas ayaa xalka ugu weyni ku jiraa.

“Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha’e;
Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye,
Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane,
Sed kaleeto daayoo ma jaro, shilinku saabbuune”. GAARRIYE (AHN) – SAXANSAXO- (17/10/1987).

___Dhammaad__
Maxammad Saleebaan Cumar
Email: halabuur2@gmail.com
Twitter: @halabuur
Facebook: Muhammad Suleiman
Qalinleyda I © Weedhsan Corporation



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *