tawakal expressgolis logo



Qaxootiga Xagardheer oo ka cabanaya bandowga ay dowladda Kenya saartay

2015414635645728260051374r813054_7287414

Muqdisho (RBC Radioo) Qaxootiga ku nool xeryaha Xagardheer ayaa cabasho xooggan ka muujiyay mandow ay ku soo rogtay dowladda Kenya,waxaana istaagay isku socodka gadiidka ee xeryaha tagi-jiray.

Kenya ayaa bandow saartay dhammaan xeryaha Dhadhaab oo boqollaal qaxooti Soomaali ah ay ku nool-yihiin,balse dadka ku nool xeryaha ayaa hadda ka dalbanaya dowladda Kenya inay bandowga ka qaado.

“Wax lamo filan ah ayaa na qabsaday,dhammaan xeryaha waa bandow waxaa kala xirmay xeryaha oo dhan,waxaana istaagay gaadiidka iyo ganacsiga qaxootiga,”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool xeryaha Xagardheer.

Waxaa loo arka go’aanka ay dowladda Kenya bandowga ku saartay xeryaha Dhadhaab inuu ka dambeeyay,kaddib markii dhowaan xeradaasi laga afduubtay saddex macallin oo halkaasi ka howlgalayay.

Kenya waxaa ay hadda sheegaysa inay howlgallo ka socdaan xeryaha,si loo adkeeyo nabadgalyadda.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *