tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Sheeko gaaban: Kuuriya iyo Kiiskii Haweenayda. W/Q Maxamed Haaruun

Sheeko gaaban: Kuuriya iyo Kiiskii Haweenayda.
Maxamed Haaruun
mbiixi@gmail.com
14 March, 2017

Mrs Park Geun-hye

Mrs Park Geun-hye

Odayaashii, gaar ahaan kuwii siyasadda ku lug lahaa aad ayaa ay uga yaabeen amuurtan. Madaxweyne xukunkii haysta ayaa xafiiskii si sharci ah looga qaaday, dhab iyo dheel-dheel mid ay u qaataan ayaa ay garan waayeen. Warkii waa uu soo kordhay, idaacadihii iyo website yadii, oo xataa midkii beeshu uu ku jiro na waa kuwan wada hadal hayaa. Madaxwaynihii Koonfur Kuuriya (Korea) Mrs Park Geun-hye ,oo ah Haweenaydii ugu horaysay ee xil noocaas ah qabata, ayaa loogu daw galay haweenay kale oo ay saaxiibo ahaayeen, khudbadaha na u qori jirtay. Haweenaydaasi waxa ay la xidhatay shirkadaha ganacsiga ee waddankaasi kuwa ugu waawayn, waxa ayna ka guratay lacago sharci darro noqday, oo u eeg baad. Haweenaydii dadkii ayaa ku kacay, baarlamaankii ayaa ka fadhiistay; in ay xafiiska ka qaadaan ayaa ayna isku raaceen, maxkamaddii distooriga ahayd ee waddanku na waa ayidday go’aankooda. In kasta oo haweenayda madaxwaynaha ahi ay baarlamaanka hortiisa ka oyday, kuna celcelisay in aanay qaladkaas iyadu galin, hadana waxaas oo dhami ma caawinin ee aadyar ayaa la diray oo ay gurigeedii aadday, in ay xabsi ku dambayso na waa suurow. Intaas iyo ino kale oo badan ayaa warbaahintu ka sheegtay xalka haweenaydaas madaxwaynaha ahaan jirtay.

*** Maanta waxa la fadhiyaa gurigii Wasiirka. Waa ninkii Keligii-noole ee ahaa siyaasiga ruug-cadaaga ah ee ay beeshu ku dhaarato. Waxa loo fadhiyaa xaajadii muhiimka ahayd ee loo balansanaa. Waxa siyaasiga weheliya Caaqilkii San-qalooc, Suldaankii Caarshe Ogaal, odaygii Xaaji Gurxan, iyo Sheekh Samriye. Waa siyaasigii beesha iyo intii uu ku shaqaysan jiray, amaba ay isla shaqaysan jireen. Wax badan oo xil leh ayaa ay u soo wada joogeen. Wax badan ayaa ay gacmo jaani is dhaafeen; wax badan ayayna lacag daran, oo meel daran ka timid nimankan u kala gudubtay. Sida ilmaha iyo hooyadu ay isugu baahanyihiin ayaa ay isugu baahanyihiin, laakiin waa baahi aanu kalgacal la soconin. Waa baahi iyo cilaaqaad ku dhisan isku danaysi; labada dhinac na sidaas ayaa ay u ogyihiin. Kulankan maanta waxa looga hadlaayay sidii looga hor tagi lahaa niman beesha ah oo dhawaan waddanka yimid, waxaana laga warwarsanyahay in ay nimankaasi xukuumadda gacan-saar la yeeshaan, ka dib na ay ninkii Kelidii-noole banaanka dhigaan, amaba ay mucaaridka ku biiraan oo taageeradii beesha reer-Qansax ay dhan kale u weeciyaan. Labada xaaladood ba waa qadhaadh, midkood uun baa se dhacaysa. Xaajadu waa in laga fikiro xal keenaaya in aanay labadaas midkoodna dhicin. Intii xalkaas ka fikiri lahayd, amaba wax uun ka geli kartay waa inta halkan fadhida, xaajadu se ma aha mid sahlan.

*** Intii qadada la sugaayay ayaa uu Siyaasigii soo qaaday sheeko aan markaas loo fadhiyin. Waxa uu ka warramay sida uu ula yaabanyahay qisada maalmahan dambe wararka haysatay ee Kuuriya iyo haweenayda madaxwaynaha ahayd ee xafiiska laga caydhiyay. Waxa uu yidhi – waxa igu maqaalo ah in gabadhan xilka laga maroorsaday uu dhalay nin halgamaa ahaa, oo 1960-nadii waddanka mar madaxwayne ka soo aha. Waxa muuqata in ay reer laangaab ah ka dhalatay, ama cuqaal u hadasha aanay haysanin. Oo taloow lacag miyaanay haysanin? Hadii ay halkaas cid ka waydo, halkan ayaa aanu qaar uga diri lahayn. Wax la yidhi geel qaylo xun lama dhiciyo. Inantu waa is gabtay. Dumaroow xaalkaa be! Waa sababta kolka horeba loo yidhi haweenku yaanay xukunka qabanin. Saw sidaas ma aha sheikh? “Haa, sababtaas iyo sababo kale ba weeyaan…” ayaa uu yidhi isaga oo waslad hilib ah jihad dhab ah kula jira! “Haa, waa sidaas dee…” ayaa uu isugu jiibiyay isaga oo sheekhiina u mahad celiyay.

Gees kale ayaa uu amuurtii ka eegay, waxa uuna yidhi – waxa aan dareemayaa in Kuuriyaanka dawladnimadooda ay wax badani ka qaldanyihiin. Nimanku malaha sida mobile lada loo sameeyo uun baa ay yaqaaniin ee siyaasadda waa ka eber! Dawladdoodu miyaanay baarlamaan ku sheega xadhigooda haynin? Waxa aan u jeedaa miyaanay lambarada Zaad kooda dawladdu haynin? Hadiiba se ay dhacdo in baarlamaankii uu fidmoobay oo laga shaqaystay, sidee maxkamaddii na ugu raacday? Dawladda meesha ka jirtaa ma mid aanay waxbaba faro ugu jirin ayaa ay ahayd? Waar naga daa qofta waa la dumarsaday. Meeshan Afrika ayaa la yidhaahdaa oo Hadii aanad soo jeedin, oo meel kasta cid dhiganin, habeen madow ayaa lagaa dul guurayaa. Wax aan siyaasad aqoonin weeyaan. Sheekhii ayaa soo yar galay oo yidhi – dee Wasiir meeshaasi waa Aasiya ee Afrika ma aha. Isagii ayaana ku soo laabtay oo yidhi – labadu waa isku mid. Aasiya iyo Afrika waxba ma ku kala duwana. Midda aad sheegtaaba waa tii kale uun. Dadka madmadaw iyo kuwa indhaaha yaryar ba caqliga ayaa ku yar baa la yidhi, laakiin reerkeenu ma ku jiro. Inaku dee carab baynu nahay. Sheekhii ayaa u markhaati furay mar kale, gacanta ayaana la isu dhiibay.

Hadana gees kale ayaa uu ka eegay amuurtii ka yaabisay, waxa uuna yidhi – midda kale, Kuuriyaanku dulqaad yaraa. Ma gabadhii madaxwaynaha la taliyaha u ahayd, ee khudbadaha na u qoraysay, qaladaad ay samaysay ayaa loo haystaa? Hadii ay shirkadda Samsung maareeyaheeda lacago ka qaadatay, balanqaadyo na u samaysay iyada oo shaadhka madaxwaynaha isticmaalaysa maxaa ku jaban? Ma intaas baa waddanka wax yeelaysa? Miyaanay ogayn in shaadhka madaxxwaynaha iyo xataa shalmadda xaaskiisa ba wax lagu maamuli karo? Wixii la isla ogolyahay ma xuma. Mucaaridka iyo dadka kale ee xaasidiinta ah uun baa si qaloocan u yar dhigaa ee dhibato ma jirto. madaxwaynaha saaxiibkii, ama xaaskiisa, ama xaaskiisa abtigeed, ama habaryarteed, ama ayaydeed, ama eedadeed, ama wiilka inanteeda qaba, amaba gabadhii ay saxiibada ahaayeen waagii xaaska madaxwaynuhu ay caruurta ahayd, amaba gabadhii ay waagii dariska ahaayeen, iyo waliba qaar kale oo badan, ayaa wax mamuli kara, waxna ma xumaanayaan.

Haa, waa sidaas. Taas anaka ayaa og oo aan cidnaba wax ka waydiinaynin. Aduunyadu maba iska war qabto. Waxa ay ahayd in qolo kastaba la waydiiyo waxa ay khibradda u leedahay ee ay ku macaashtay. Sawtan la yidhi aduunkii ba waxa uu noqday tuulo yar oo kale, (global village) o waa la iska wada war hayaa. Alaylehe in aan la iska war haynin. Hadii ay war hayaan wax baa ay naga baran lahaayeen. Dulqaadka iyo daawashada madaxda Hadii ay shacab ahaan nooga baran waayaan, ugu yaraan waxa ay baran lahaayeen sida kursiga loo ilaashado. Waxa aanu bari lahayn sida loola dhaqmo baarlamaanadaas xunxxun ee la isugu soo dhuumanaayo, iyo maxkamadahan waalan ee la sheegaayo. Waxa kale oo aanu bari lahayn sida mucaridka qudhooda loola macamilo.

Geesta kale, gabdhuhu maba faro kulula. Hadii ay xitaa wax ka yara xumaadaan, waxa ay tahay in laga xishoodo. Nimanku miyaanay dhaqan lahayn? Waa wax eyda qasha oo aan diin iyo dhaqan toona lahayn. Taloow gabdhaha miyaanay dhalasho iyo dhaxdin toona uga xishoonaynin? Kolkii uu halkaas maraayay, ayaa Xaaji Gurxan soo galay, waxa uuna micneeyay sida ay wax u jiraan, su’aalaha Wasiirka ka yaabiyay ayuuna furfuray. Xaaji Gurxan waxa uu sheegay in uu odayaal kale, oo qaarkood bad-mareeennadii hore yihiin ka maqlay in gabadha madaxwaynaha ahayd qabiil ahaan loola diriray. Waxa uu yidhi – adeer amuuro culus ayaa isku murugsan, gabadhan iyo qabiilka ay ka soo jeeddo oo aan imika magacooda yara liqsanahay, waxa ay colaad wayn oo guun ahi ka dhaxaysay qabiilka kale ee uu ka soo jeedo ninka baarlamaankooda haysta oo iyakana magacooda aan ilaaway.

Waxa la sheegay in waa hore, hore, oo aad u horaysay, ay qabiilka gabadhu ka soo jeeddaa eyyaal aad u tiro badan, oo dhawr kadin gaadhaysa ka dhaceen qabiilka uu ka soo jeedo ninka baarlamaanka haystaa, rag tiro badan na ay ka laayeen. Uttuntii ay arintaasi reebtay dabkeedii ayaa wali shidan, wax si sahlan ku dhamaanaaya na ma aha. Xataa qolada xeer-beegtida ah ee maxkamadda waxa ay odayaashu ii sheegeen in badankoodu ay la qabiil yihiin ninka baarlamaanka haysta, intooda kale na wax hablo qaba iyo wax abti loo yahay ay isugu jiraan. Sidaas weeye arintu adeer. Qabiilku meel kasta waa ka jiraa. Waatan xataa diintu sheegtay ee la yidhi qabiilooyin iyo jifooyin ayaa la idinka sameeyay. Sheekhii ayaa soo galay oo yidhi – “Wa jacalnaakum shucuban wa qabaa’il” ayaa quraanku leeyahay. Ha, waakaas. Aayadda uun baanan haynin ee micnuhu waa sidaas. Ninkaygani waxa aan ahay saamic wayn adeer!

Wasiirkii ayaa sheekadii aad u dhegaystay, aad na ugu bogay. Waar waa garanaayay in ay wax jiraan. Hadalku waa kaas – ayaa uu yidhi. Adiga oo dawlad haysta sidee mucaarid kaaga adkaan karaa? Hadii meesha siyaasiyiin wax garanayaa aanay joogin, oo xidhigga mucaridku xidho ba furaaya, dabcan daad baa ku qaadaaya adiga oo iska fadhiya. Wax badan baanu baranay oo khibrad ah intii imika aan dimuquraadiyadda wadnay, anaka ayaana maanta uga faham wacan waddaamo badan ee Afrikan ahaanta awgeed uun banay caalamku u rabin in ay wax naga bartaan. Cunsuriyaddu meel kastaba waa jirtaa, xataa dawladaha dhexdooda. Taasi run weeyaan. Wasiirkii waa lagu raacay warkii uu sheegaayay oo dhan. Ka dib ayaa uu hadana hadalkii ku soo laabtay, waxa uuna yidhi – anigu waagii dhawayd ee aan Ingiriiska aaday, ee aan jaaliyaddii beesha soo wacyi gelinaayay waxa aan soo arkay waxyaabo cajiib ah. Markii magaalooyinka aan u kala safraynay, waxa aan soo arkay deegaamo dhan, oo boqolaal kiiloo mitir isu jira, oo aan laydh ba lahayn oo mugdi ah. Wadooyinka badankooda laydh baa ku wada xidhan, oo xataa maba u baahna baabuurtu in ay nalka shidaan kolka ay habeenkii jidadkaas magaalooyinka u kala baxa ku safrayaan.

Kolkii aan waydiiyay nimankii reerka ahaa ee I waday sababta ay meelo cayimani bilaa laydh u yihiin, waxa ay yidhaahdeen sababtu waa in ay deegaamadan mugdiga ahi yihiin meelaha xoolaha lagu dhaqo, waxaana la doonayaa in aan laydh lagu shidin oo xooluhu ay habeenimada seexdaan. Sidaas ayaa ay igu yidhaahdeen, laakiin ma ka siisanin run ahaan. Anigu waxa aan u qaatay in deegamadaas mugdiga ahi ay yihiin dhulka ama deegaamada ay mucaaridku u badanyihiin. Runtii wa sidaas. Sida aad laydh ugu jirtid, ayaa uu mar keliya go’ayaa oo aad mugdi soo gelaysaa. Ingiriis laydh ma waayin ee sabab meelahaas nalka looga jaray ayaa koley jirta, waxaana suurowda in xataa biyuhu ka go’anyihiin. Mucaarid miyaa biyo iyo laydh la siiyaa? Nimanka yaryar ee baabuurka igu waday wax sidaas ah siyaasad ma ka ogayn sida aan dareemay, laakiin xaqiiqadu waa midhkaas. Meel kasta Hadii aad u fiirsato, mucaaridka waa la iska dhiciyaa, Hadii aanay dawladda la shaqaynaynin na, waa la edbiyaa oo hawada ayaa laga xidhaa. Bal wadamada xasiloon oo dhan u fiirso. Waligaa ma maqlaysid khilaaf iyo rabshad baa ka jirta Waqooyiga Kuuriya, amaba Shiinaha, amaba Kuubba, amaba Sucuudiga, iyo qaar kaloo badan. Xataa kuwa kumanaanka sano dimuquraadiga soo ahaa waakuwaas aan idiinka warramaayay ee ay nalka iyo biyaha ka jarayaan meelaha mucaaridku joogo. Isku soo wada duub, gabadhan Koonfur Kuuriya sida muuqatta siyaasad ma aqoonin, dad siyaasad yaqaan na ma ay kaashanin. Waataas awoodi wayday xataa in ay abaabusho mudaharaad qabiilkeeda ah. Waataas xataa BBC da ka hadli wayday, ee sheegi wayday in qabiil ahaan loogu soo duulay. Dadkaas baa la odhanayaa siyaasad gala oo madaxwaynayaal noqda. Baadiyi nimaan lahayn bay ag joogta. Waa taas la jiidhay ee maantaba wax ha ka gurato.

__Dhammaad__
W.Q: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *