tawakal expressgolis logo



Suudaan: Soomaali ku xiran xabsiyada dalkaas oo cabanaya

Untitled

Muqdisho (RBC Radio) Ku dhawaad 185 qoys oo Soomaali ah ayaa ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Suudaan,kuwaaso hadda ay ka soo yeereyso qaylo dhaan xooggan,sidaay BBC-da baahisay.

Dadkan waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen boqollaal qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen,kuwaaso tagay dalka Suudaan.

“Waxaan nahay qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo barakacay dalka Yemen,bishii 4 aad 2016,ilaa hadda waxaan jogna Suudaan oo aan nabadgalyo iyo amni usoo raadsanay,”ayuu yiri Ismaaciil Maxamud oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Suudaan.

Ismaaciil wuxuu sheegay maalinta ay gaaren dalka Suudaan ilaa maanta inay ku xiranyihiin xabsi,asagoo inta ku daray inay jiraan carruur iyo haween xabsiyaa ku xiran oo dhib qaba.

Wuxuu diiday inay ahaayeen tahriibayaal doonayay inay u gudbaan waddamada Yurub,wuxuuse caddeeyay qorshahooda inuu ahaa inay Suudaan joogan oo ay nolal iyo nabadgalyo usoo raadsadeen.

Dhinaca kale,safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Maxamed Cabdullaahi Ugaas ayaa dhankiisa u sheegay BBC-da inay u warhayaan dadka Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada Suudaan,wuxuuna sheegay in ay ka yimaadeen Yaman basle ay diideen in Soomaaliya dib loogu celiyo.

Cabashadan ayaa ku soo aadaysa xilli maalin ka hor 32 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ka qaxay dalka Yemen lagu laayay badda cas,markii ay diyaarad duqeysay dooni ay la socdeen.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *