tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Talo ku socota Ra’iisul wasaare Khaire: Ha laga fiirsdao Wasiirada la magacaabayo Caddaaladna ha lagu saleeyo si ay dowladu u guuleysato

khayre

Shaykhul Islaam Ibn Taymiyah Alle ha u naxariiste wuxuu yiri “Alle wuu guuleyaa oo kaal-meeya dowlada caaddilka ah gaalaba Madax ha ka noqdeen, laakin Alle guul ma siiyo oo ma kaal-meeyo dowlada dulimga ku dhisan oo caddaalada ka tagtay Muslimba Madax ha ka noqdeen.” Xigasho: Majmu Fatawa 28/63

قال ابن تيمية رحمه الله اللَّهُ يَنْصُرُ الدَّوْلَةَ الْعَادِلَةَ وَإِنْ كَانَتْ كَافِرَةً وَلَا يَنْصُرُ الدَّوْلَةَ الظَّالِمَةَ وَإِنْ كَانَتْ مُؤْمِنَةً

Waxaan Ra’iisul wasaare Khaire kula talin lahaa:

1- Inuu ka fiirsado oo uusan ku deg degin magacaabista iyo dhismaha gollaha wasiirada ee dowlada. Waa in laga faaideysto taarikhihii ina soo maray ee keenay inay shacabku niyad jabnaan ku nolaadaan muddo dheer ka dibna ay dalbadaan isbeddel hoggamineed oo ka dhaca dalka. Waxaan inbadan soo aragnay golle wasiiro oo aan lagu soo dhisin Amaano iyo Aqoon, Karti iyo Hufnaan. unnamed (2)

2- Inaan la magacaabin wasiiro aan taarikhdooda iyo waxqabadkooda la qiimeeyn, waxaa Ra’iisul wasaaraha arintaas ka caawin kara dad yaqaan wasiirka la magacaabayo oo ay isku degaan yihiin ama ay isla soo shaqeeyeen dadkaas oo diintoda, wadaniyadooda iyo akhlaaqdooda lagu kalsoon yahay.

Tusaale dowladu waxay ku dhisan tahay 4.5 anigu waxaan Aqoon wanaagsan oo uusan Ra’iisul wasaaraha u lahayn u leeyhay wasiirada ka soo jeeda degaanada Koonfur galbeed Ra’iisul wasaaraha hadii uu doona waan ka caawin karaa in wasiirada ka imaanaya degaanadaas ay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay Diintooda, Amaanadooda, Wadaniyadooda, Khibra-dooda iyo Akhlaaqdooda.

Hada waxaan maqlay magacyada 4 wasiir oo kasoo jeeda degaanada Koonfur galbeed oo la saadaalinayo inay ka mid noqon doonaan gollaha wasiirada. Hal wasiir oo ka mid ah 4-ta wasiir ee aan maqlay ayaa mudan inuu ka mid noqdo gollaha wasiirada cusub sadexda kale ma buuxin shurudaha ay ka midka yihiin Amaanada, Aqoonta, kartida iyo hufnaanta. Hadii ay sax tahay magacyada ay saxaafadu si horudhac usoo bandhigtay iyo hadii aysan sax ahaynba waxaan ku talin lahaa in aad looga fiirsado xubnaha ka mid noqonaya gollaha wasiirada dowlada gaar ahaan kuwa ksoo jeeda Koonfu galbeed. Taya xumada iyo karti darida soo noqnoqatay ee Madax badan oo kasoo jeeda degaanada Koonfur galbeed ayaa sabab u ah in goboladaas oo ah kuwa ugu dhaqaalaha roon Soomaaliya ay dadkiisu ku nolaadaan saboolnimo xad dhaaf ah noqdaana degaanada ugu badan ee ay kooxaha nabad diidka ah ka qortaan ciidamada ugu badan sidoo kalena degaano iyo saldhigyo ciidan ay ka sameystaan.

3- In gollaha wasiirada ee cusub ay qaatan tababaro la xiriira hoggaminta (leadership), waxaa horey ugu deeqay inuu dowlada iyo Madaxda cusub siinayo Dr. Sulub. Tababaradaas oo ku saabsan aanse ku koobnayn:

1. waxyaabaha hoggaan-wanaagga keena si hoggaan-xumida looga badbaado.
2. Waxyaabaha guusha hoggaamiyayaasha keena si guuldarrada aan laga kicikarin loo baajiyo. 3. Waxyaabaha isbeddelka keena oo dedejiya si himmilooyinka lagu riyoonayo loo gaaro. 4. Waxyaaba la rabo in uu hoggaamiya kastaa ogaadaa, rumeeyo, oo fuliyo.
5. Dabeecada iyo astaamaha laga rabo hoggaamiyaha kolka uu ummad ka saarayo dhibaatooyin iyo qalalaaso. 6. Habka loo hoggaamiyo geedi-socodka dib-u-heshiisiinta ummadda. 7. Doorka laga rabo in uu hoggaamiyuhu cayaaro iyo doorka laga rabo dadka.

4- In dowladu uruuriso talooyinka ay shacabku usoo jeediyaan kalana soo baxaan aragti ka tarjumaysa rabintaanka shacabka. Waan ka caawin karaa dowaldu hadii ay u baahan tahay si voluntary ah.

Horey waxaan in badan usoo arkay Wasiiro badan oo aan lahayn sifaat wanaagsan iyo tayo waxqabad oo ka mid noqday golleyaal wasiiro oo badan, taas iyada ah waa inay ka hortgato dowladaan oo ka duwan dowladihii hore oo ay shacabka Soomaaliyed rajo weyn ka qabaan, rajadaas waxaa lagu gaari karaa in la helo wasiiro leh Amaano, Aqoon, Karti iyo hufnaan. Dowlad wanaag marka la helo ayaa ay sii jiri karaysaa kalsoonida shacabka, si dowlad wanaag loo helana waa in la helaa golle wasiiro oo leh Amaano iyo Aqoon.

Waxaan si wanaagsan u dhageystay talooyin ay dowlada usoo jeediyeen ilaa toban ka mid ah culumada Soomaaliyed waxaan sidoo kale akhristay talooyin fara badan oo ay dowlada usoo jeediyeen Aqoonyahano Soomaaliyed. Talada ugu badan ee mar walba dowlada loo jeedinayay oo soo laab laabatay waxay ahayd in ay dowladu raadiso oo juhdi iyo dadaal ku bixiso inay hesho dad wanaagsan oo Amaano leh oo daacad u ah dadkooda iyo dalkooda, wasiiro ka shaqeeya danta guud ee ummadda. Waxaa sidaas oo kale Argtidaas culumada iyo Aqoonyahanada Soomaaliyed la qaba oo ku raacasan 99% shacabka Soomaaliyed.

Ugu danbeyn miisaanka iyo arinka taageerada ama kaal-mada Alle lagu helaayo ma aha Muslim baan ahay kaliya oo aysan caddaalad la socon, ee waa caddaalada ay Bulshada iyo dowlada dalkaasi ka talisa ku dhaqmaan. Hadalka sheekhu wuxuu tilmaamaya in dowladaha caddaalada ku dhaqmaa aysan dumin, kuwa caddaalada ka tagana ay dumaan sida ku dhacday dalal badan oo Muslim ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Xilalka dowlada oo aan qofka lagu soo xulan Diintiisa, Amaanadiisa, Kartidiisa, Hufnaantiisa, daacadnimadiisa (daacada uu u yahay dalkiisa), Wadaniyadiisa iyo Akhlaaqdiisa waxaa ay ka mid yihiin Caddaalad darada.
Tixgelin,

W.D. Ahmed Nuur Arlaadi

unnamed (1)
Arladun@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *