tawakal expressgolis logo



Wasiirka Caafimaadka Puntland oo xariga ka jaray MCH-ka xaafada Israac ee Garoowe(Daawo)

xxxxx

Garowe-(RBC Radio)-Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maantay xariga ka jaray MCH laga hirgaliyey Xaafada Israac ee Magaalada Garoowe.

Xaruntaan Caafimaad oo ay  dhistay gabar Muslimad Sucuudi ah ayaa xaafada Israac laga hirgaliyey mudo dhowr sano ka hor ah loogumana shaqayn tan iyo mudadaasi sidii loogu talo galay sida uu sheegay Isuduwaha Caafimaadka gobalka Nugaal Maxamed Jaamac Xirsi.

Wasiir Cabdinaasir ayaa sheegay in mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayey uu ku dadaalayey sidii xaruntaan ee Xaafada Israac looga shaqaysiin lahaa iyadoo mudadaas lagu qabanayey howlo kale.

cccc

Wasiirka ayaa tilmaamay in xaruntaan loogu talogalay inay adeegyadii caafimaad ay ka helaan dadweynaha ku nool xaafadaas maadaama xaafadu ay tahay mid Balaaran isagoo raaciyey inay xarumo caafimaad oo tan lamid ah Wasaaradu ka hirgalin doonto Xaafadaha Garoowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in wasaaradu xooga saari doonto sidii xaruntaan ay u heli lahayd adeegyada caafimaad waxaana uu intaa ku daray in loo samaystirayo dhismayaasha iyo wixii agab Caafimaad ah ee ka dhiman.

Wasiir Cuuke ayaa shacabka xafada ka codsada inay si wanaagsan uga fa,iidaystaan xaruntaan caafimaad ee xaafada laga hirgaliyey iyagoo ka heli doona adeegyadii caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka.

____

RBC Radio

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *