tawakal expressgolis logo



Baarlamaanka Soomaaliya oo xukumadda ku wareejiyay mooshinkii laga keenay saldhigga milateri ee Berbera

Xildhibaanada-Baarlamaanka-1132x670Muqdisho (RBC Radio) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay mooshin laga keenay heshiiska ay dowladda Imaaradka Carabta kula gashay Soomaaliland dhismaha saldhig milateri oo laga hirgelinayo magaalo xeebeedka Berbera.

Baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay dhismaha saldhigga milateri,dooda kaddib guddoomiyaha Baarlamaanka faderaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay xukuumadda inay ka sugayaan faah faahin ku aadan heshiiska Imaaradka Carabta iyo Soomaaliland ee ku aadan dhismaha saldhigga milateri ee Berbera.

“Dooda ku aadan mooshin dib ayaan u dhigeyna,waxaana xukuumadda ka sugeyna inay faah faahin ka bixiso heshiiska.” ayuu yiri guddoomiye Jawaari oo shalay ka hadlayay kulanka baarlamaanka.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku wareejiyay xukuumadda saldhigga Berbera,xilli uu muran badan ka taagna heshiiska oo lugu tilmaamay inuu dhaawacayo midnimada iyo jiritaanka Soomaaliya.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *