tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo dhaweyn u sameeyey Culima’udiin nadwo diini ah ku qabtay Boosaaso(Sawirro)

IMG_3056Boosaaso(RBC Radio) Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa gurigiisa magaalada Boosaaso qado sharaf ugu sameeyey culimo Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa isaga kala timid,kuwaasoo muddooyinkii danbe ku sugnaa Boosaaso.

Culimadan Soomaaliyeed ayaa masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ku qabtay Nadwo sanadle ah oo la qabto taasoo noqoneysa nadwadii 15aad ee lagu qabto masjidkaas.

Culimada Soomaalieed ee Boqor Burhaan Boqor Muuse casumay ,waxaa kamid ahaa

  1. Sheekh Daahir Aw-cabdi
  2. Sheekh Axmed Daahir
  3. Sheekh Dr Aadan
  4. Sheekh Cabdiwahaab Ibrahim Isxaaq
  5. Sheekh Dr Xasan
  6. Sheekh Cali Warsame
  7. Sheekh Axmed Cabdisamad
  8. Sheekh Maxamed Macalin
  9. Sheekh Bukhaari
  10. Sheekh Macalin Mowliid
  11. Sheekh Axmed Axmed Faarax Gaas
  12. Sheekh Fu’aad Aflow
  13. Sheekh Axmed Yuusuf Daad
  14. Sheekh Faarax Cajab,ganacsato,waxgarad iyo mas’uuliyiin kale.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo qadada kadib hadal kooban jeediyey ayaa u mahadceliyey culimada iyo waxgaradkii kale ee uu hoygiisa ku casumay,isagoona qeybtood oo dalka dibadiisa ka timid uga mahadceliyey Imaanshiyahooda.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa culimada ku ammaanay doorka wanaagsan ay mar kasta ka qaataan ilaalinta diibta iyo dhaqankeena suuban.

18053166_1320087721409099_1754958798_o IMG_3046 IMG_3050 IMG_3057 IMG_3061 IMG_3073 IMG_3076 IMG_3077 IMG_3078 IMG_3081 IMG_3082 IMG_3083 IMG_3085 IMG_3087 IMG_3096 IMG_3104

RBC Radio

Boosaaso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *