tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Diyaaradaha Qaadka keeni jiray magaalada Muqdisho oo maanta ka degaya garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar

qaadka

Muqdisho (RBC Radio) Diyaaradaha Qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaa lugu wadaa inay maanta ka degaan magaalada Jowhar,waxaana la sheegay inaysan iman doonin magaalada Muqdisho.

Ganacsatada Qaadka ayaa u sheegay warbaahinta in canshuur dheerad ah lugu soo rogey Qaadka ka soo dega magaalada Muqdisho,taaso sababtay inay u weeciyaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Wasaaradda maaliyadda dowladda faderaalka ayaa la sheegay inay canshuurka dheeradka ah ku soo rogtay Qaadka laga keeni jiray magaalada Muqdisho.

Halkii Kiilo oo Qaad ah,waxaa ay wasaaradda maaliyadda ku soo rogtay canshuur gaaraysa 53,00 oo shilling Soomaali ah una dhigma doollar ahaan $2.5 (labo doollar iyo bar).

Gadiid ayaa lugu wadaa in maanta lugu keeno Qaadka Muqdisho uga imaan jiray Kenya,waxaana la sheegay ilaa afar diyaaradood inay subax walba Qaad keeni jiray magaalada Muqdisho.

Go’aanka ay ganacsatada ugu weeciyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar Qaadka laga keeni jiray Kenya ayaa yimid markii uu xoogeystay khilafka wasaaradda maaliyadda iyo ganacsatada,markii wasaaradda cusub ee maaliyadda ay canshuur ku soo rogtay juwan walba oo Qaad ah.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *