tawakal expressgolis logo



Diyaaraddo duqeyn ka geystay gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya

duqeyn-diyaaradeedMuqdisho (RBC Radio) Diyaaraddo dagaal ayaa duqeyn ka geystay deegaanno ku dhow degmada Ceel-waaq ee ka tirsan gobolka koonfurta ku yaalla ee Gado ,sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Duqeynta ayaa lugu beegsaday tuulooyinka Garilay iyo Daarul-salaam,halka oo la sheegay inay saldhigyo ku leeyihiin dagaalyahanno ka tirsan ururka al-Shabaab.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya diyaaradaha duqeynta fuliyay inay lahayd dowladda Kenya,laakin xukuumadda Nairobi war ay ku sheegatay duqeynta wali kama soo bixin.

Waxaan kalo la ogeyn ilaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dowladda Kenya iyo Marekanka ayaa siyaadiyay duqeynta ay ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya,iyagoo marka sheegaya inay bartilmaamedsanayaan dagaalyahannada iyo saraakiisha ururka al-Shabaab ee dagaalka ka wada dalka.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *