tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Dowladda Faderaalka oo ka hadashay digiinta al-Shabaab ee ku aadan Waxbarashada

IMG_1702

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaab celisay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida in ay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

Digniinta Al-Shabab ayaa waxaa jeediyay afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cod 26 daqiiqo.

Codka Cali dheere oo lagu baahiyay baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa ku sheegay in carruurtu ay aadi karaan oo kaliya Iskuulada Islaamiga ah, isagoo sheegay in kuwa kale aysan wanaagsaneyn.

Waxa uu uga digay jaamacadaha iyo iskuulada iyo cid kasta oo gacan ka geysata ka qeyb qaadashada manhaj faafinaya sida uu hadalka u dhigay dhaqanka reer galbeedka inay cawaaqib ka kulmi doonto.

Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan ayaa sheegay in talaabada Al-Shabab ay muujineyso mas’uuliyad darada madaxdooda iyo sida ay uga soo horjeedaan jiritaanka dadka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya,waxaana muddo dheer ay raadinayaan dalka inay ku soo rogan xukun islaami ah,sida dhowr mar hoggaankooda  ayaa sheegay.

___

RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *