tawakal expressgolis logo



Guusha Xisbiga AKP ee Madaxweyne Erdogan iyo siyaasadaha ka soo horjeeda. W/Q Mohamed Cali-Madhoodhe

Guusha Xisbiga AKP ee Madaxweyne Erdogan iyo siyaasadaha ka soo horjeeda
Mohamed Cali-Madhoodhe
Abriil 17 2017

Mohamed Ali Madhodhe

Mohamed Ali Madhodhe

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay ,waxaana la tiriyey 99% ,labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ”HAA” ay ku guuleysteen aftida.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub, dhanka kale taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda aad ugu farxey sheegayna in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Dastuurka cusubi muxuu dhigayaa ?

Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa.

• Doorasho kasta waxaa isku mar dhici doona tan madaxweynaha iyo baarlamaanka, doorashada u horeysana waxay dhaceysaa oo la qaban doono 3 november 2019.

• Madaxweynaha la doortaa waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah , isla markaasna madaxweynaha ayaa hogaamin doona Xukumadda ,isaga ayaana si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo Saraakiisha sarsare.

• Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.

Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra’iisalwasaaraha ee awooda badan hadda, oo uu hadda hayo Binali Yildirim.

• Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo iyo wax ka bedel waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca Cilmaaniyiinta iyo wadaadka Fetxullahi Gulen.

• Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah asagoo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada , isla markaasna sharcigani wuxuu madaxweynaha awood u siinayaa inuu ka diri karo Baarrlamaanka.

Guusha Madaxweyme Erdogan waxaa markiiba walaac badan ka muujiyey wadamo badan oo ku yaal Yurubta Galbeed , waxayna u sababeynayaan sadex qodob .

– mid u muuqata awooda badan ee Madaxweyne Erdogan aftidani u ogolaatey mid kaligii taliye ah taas oo meesha ka saareysa inay fulaan sharuudihii 72-da qodob ahaa ee ay ku xireen midowga yurub ka mid noqoshada dalka Turkiga EU-da.

– in dib loo soo celiyo xukunkii Toogashada ahaa , taas oo talaabada xigta ee uu Madaxweyne Erdogan qaadi doona ah , hore waxaa loo Baabi’eyey 2004 markaas oo ay aheyd qodobadii ugu horeeyey oo ay ku xiraan EU-du dalka Turkiga ka mid ahaanshaha Yurub ayadoo afti Baarlamaani ah lagu meel mariyey .

– Wadan Turkiga iyo dalka Jarmalku waxay ahaayeen dalal xiriir wanaagsan leh muddo fog, isagana dhow dalalka kale ee yurub, waxaana dalka Jarmalka ku nool ilaa 3.5 milyan dadka Turkida ah oo 1.5 milyan heystaan Dhalashada Jarmalka, dhinaca Turkiga waxaa aad u maalgashadey shirkado badan oo ay leeyihiin dad Jarmal ah oo u badan Warshadley iyo meelo dalxiis waana dalka ay ugu dalxiiska badan yihiin dadka Jarmalka . Ogow Xiligan xiriirkoodu ma fiicna dal walbana kan kale ayuu ku eedeynayaa inuu kan kale xiriirkiisa xumeeyey haba u sii darnatee Af-gembigii dhicisoobey wixii ka danbeeyey .

Eedaymaha dalka Turkiga u jeedinayo Jarmalka.

a – Baarlamaanka Jarmalku wuxuu ansixiyey oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyey Armenia Resolution oo ah inuu Turkigu Xasuuq u geystey shacabka Armeeniya 110sanno ka hor in ku dhow, kaas oo ay kala mid dhigeen kii Hitler u geystey Qoomiyada Yuhuuda.

b – Dalka Jarmalka oo hor istaagey laba waqti oo kala ah xilligii Afgambigiii dhicisoobey iyo ololaha doorashada Wasiiro iyo madax ka timid dalka Turkiga oo ka tirsan xisbiga AKP oo halkaas khudbado u jeedin lahaa taageerayaashooda.

c – Dowlada Turkigu waxay ku eedaysay dowlada Jarmalka oo saaxiib dhow ahaayeen kana wada shaqeyn jireen la dagaalanka argagixisada inay taageero iyo saldhigyo siiso xiliyadan danbe kooxaha PKK Kurdiga iyo Fatxilahi Gulen .

d – Heshiiskii lagu joojinayey Qaxootiga reer Siiriya ee 3 milyan ahaa oo uu EU-da iyo Turkigu wada galeen wakiilkana uu ka ahaa Jarmalku dhaqaalihii ku bixi lahaa oo aan Turkiga loo siin sidii la rabey , balamihiina qaar looga baxey sida Visaha dhinaca Turkiga dadkiisa loo balan qaadey inay EU-da Visa la”an ku tegi karaan .

e – Afgambigii dhicisoobey kaalintii iyo garab istaagii ay ka filayeen Turkigu dalka Jarmalka oo ay ka waayeen, taas bedelkeedana dalka Jarmalku wuxuu ku dhiiradey inuu yiraahdo kooxihii ka danbeeyey Afgembiga lama toogan karo ,ciqaab adag lama marsiin karo haddii kale EU-da ma soo gelaysaan .

Eedaymaha dhica Jarmalka ee ku waajahan Turkiga.

a – inuu Xaq ahaa cod u qaadistii Armenia Resolution uu u qaadey Baarlamaanka Federalka Jarmalka wadankanina yahay dal Dimoqoraadi ah loona arko talaabo wanaagsan oo cadaalad ah hore loo qaadey Resolution kaas.

b – waxay dhibaatooyin is daba jooga ah la soo darseen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka Jarmalka oo loo soo jeediyey hanjabaado iyo fariimo in la dili doona ah kuwaas oo lagu Edeeyey inay hogaaminayeen kana danbeeyeen Armenia Resolution, kuwo xildhibaana ah oo loo diidey inay booqdaan ciidamadda Jarmalka ee Nato ka tirsan saldhigyo ay ka degan yihiin dalka Turkiga ,Weriyaal dhalasho Jarmal ah heysta oo asalkoodii Turki yahay oo la xirey laguna eedeeyey Jaajuusnimo.

c – Dalka Jarmalku wuxuu ku eedeeyaa dalka Turkiga inuu yahay wadan aaney Dimoqoraadiyadu ka hana qaadin ,dhibaatooyin ay ku qabaan dadka saxaafada ka shaqeeya , kuwa jinsiga u dooda, kuwa xuquuqda aadanaha u dooda , sidaas darteed aysan maquul aheyn wadan noocaas ah inay ka mid noqdaan EU-da, waana fikir ay la qabaan Jarmalka dhamaan wadamada ku bahoobey EU-da.

d – Dowladda Jarmalku waxay ku eedaysay dowlada Turkiga in ay Hay’adaha sirta ee Turkigu howlgalo ka fuliyaan gudaha dalka Jarmalka ayagoo dsbagalo ku sameeya kooxaha ka soo hor jeeda sida kooxda wadaadka Fatxulahi Gulen iyo kooxda argagixisada ah ee Kurdiga PKK , taas oo dowlada Jarmalku carro xoog leh ka muujisey taas bedelkeediina dowlada Jarmalku waxay qaadeen talaabooyin dabagalo ah iyo baaritaano ay ku samaysey Hay’ada DITIB Turkisch-Islamische Union oo maamusha in ka Badan 930 masaajid iyo Imaanadooda oo ku yaal Dalka Jarmalka ayagoo sabab uga dhigaya inay u badan yihiin taageerayaasha AKP isla markaasna wax badan u fududeeyey ama lana shaqeeyey hay’adaha sirta ee dalka Turkiga.

e – Dowlada Jarmalka ayaa ilaa imaanshii Xisbiga AKP ee talada dalka 2002kii ku hogaamiyaan waxay u arkaan wadan dhaqaalihiisii kordhey , saaxiibo badan yeeshay , ka sii fogaanaya ka mid noqoshada Yurub iyo Nato , Islamic state Powerful waxna diidi kara waxna yeeli kara iyo cabsiyo badan oo laga qabo mustaqbalka dhow iyo kan fog Dowlada Turkiga ee uu hogaamiyo Xisbiga AKP.

Waad Mahadsantihiin.

Qore . Mohamed Cali-Madhoodhe



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *